Police ku waxa uu noqday cadawga shacabka,

Monday September 29, 2025 - 18:21:48
hadhwanaagnews
Daba gale waa denbiile qaran ee maaha Tabliig.




Awoodda qabyaaladda ee nolosha siyaasadeed iyo bulsho ee Soomaalida(Somaliland).

Qabyaalad: Maamulka Indho
-la’aanta iyo Dhego
-la’aanta ee Nolosha Soomaaliyeed

*Hordhac:
Qabyaaladu waa sida dab aan la damin karin oo ku dhex qarxaya maskaxda iyo maanka umadda Soomaaliyeed.
Waa awood aan sharci lahayn, balse si qarsoodi ah u maamusha nolosha dadkeeda: siyaasadda, caddaaladda, maamulka, iyo xitaa damiirka.

Waa cudur aan jirka ka muuqan balse maskaxda ku fida,
oo qofka denbiilaha ah u beddela geesi,
iyo qofka dhibanaha ah u beddela eedaysane.

*Qabyaaladdu Ma iyadaa Maamushaa Soomaaliyeed Mise Waa La Maamuli karayaa ?

Qabyaaladdu ma aha kaliya dareen qabiil, waa nidaam bulsho oo si xeel dheer u dhisan:
- Qofkii denbiilaha ahaa marka uu xilka ka tago, wuxuu u noqdaa "wiil reer” oo la garab istaago, lala ooyo, lana casuumo.
- Taliyihii askarta ee lagu eedeeyay dilka 17 dhalinyaro ah, oo dhaawac iyo dhinasho iyi xadhig geystay halkii maxkamad la taagi lahaa, waxaa lagu beddelay marti sharaf iyo in la maamuuso oo la soo dhaweeyo "tabliiq” sheeganaya.
- ninkii askartiisii gilgishay dalka intii uu xilka hayay ee habeen iyo maalin uga hanjabi jiray reer gaar ah oo uu ka dhashay ee loo soo adeeganaayay ayaa maanta madax dharaf leh loo soo dhaweynayaa
- - Askartii shacabka ilaalin lahayd waxay noqotay cadawgii shacabka oo Deba galay u bedelay
- xildhibaan xabbad kagu furay oo la dhaawacay
- dad mudaaharaadaya, iyadoo aan oo la laatay oo gudoomiyihii xisbiga qaran ee waddani askari gaadhi jiidhsiingaadheen , si ula badgeedh ah
- hal askari shaqada laga joojin oo lama xukun oo su-aal lagama weydiin
- (Maxaad dadka u mudaaraadaaya sida silmiga ah xabbada ugu furtay?.
- Ninkii madaxda u ahaa askarta oo aan waxva laga waydiin oo maanta loo soo dhaweynaayo in uu yahay geesi.

*Falsafadda Qabyaaladda: Indho La’aan iyo Dhego La’aan
Qabyaaladdu waa indho la’aan:
ma aragto denbiga haddii uu qofka ka tirsan yahay "reerka”. Waa dhego la’aan:
ma maqasho oohinta dhibbanaha haddii uu ka tirsan yahay "reer kale”.
Maskaxda ayay ka gumeysataa.

Qabyaaladdu waa sida muraayad jaban: qofka reerkaaga ah waxaad u aragtaa malaa’ig, qofka reerka kale waxaad u aragtaa shaydaan eenbiile ah.

Abuu Lagab hadii uu ku dacwoon lahaa (qureesh ayaan ka dhashay oo denbiile ma ihi)

*Falaqeyn:

Maxaa Ka Jira Isla Xisaabtan?
Isla xisaabtan dhab ah ma jiro:
- Denbiilaha qabiilkaaga ah waa la cafiyaa, waa la sharfaa, waa la soo dhaweeeyaa.- waa la casuumaa, waa la dhegeystaa.
- Denbiilaha qabiil kale ka tirsan waa la xukumaa, waa la ceebayaa, waa la fogeeyaa.denbiile umadeed ayaa loo arkaa.
- Daba-gale oo lagu eedeeyay xadgudubyo, dil, dhaawac, xadhig, hanjabaad, wuxuu gogol xaadh u yahay xasuuqii shacabka ee madaxweyne hore Muuse Biixi, iyadoo saaxiibtinimo iyo qabiil lagu difaacayo.

*Caddaalad Qabiilaysan:
Ma Dawo Mise Waa Dhibaato?
Caddaaladda Soomaaliyeed waxay noqotay mid qabiilaysan:
- Maxkamaddu ma xukunto denbiile, waxay eegtaa "reerka” uu ka soo jeedo.
- Shacabka ma garab istaago dhibbanaha, waxay eegaan "qabiilka” uu ka tirsan yahay.
- Siyaasadda ma dhisto ummad, waxay dhistaa "reero”. Xaq daro ayay isku taageeraan qabyaaladaysan.
-
Ummad Sidan u noolidunidama ku noolyihiin?
Ummad sidan ahi xaq iyo caddaalad ma heki kartaa?
Ummad sidan ahi horumar ma gaadhi kartaa?
Caddaaladdu waa aasaasja nolosha iyo horumarka bulshada.

*Gunaanad: Umad Isla Xisaabtan La’aan Ma Gaadho Horumar,

Umad aan denbiilayaasha la xisaabtamin,
aan tuugta hantida qaranka dhacday maxkamad la taagin,
Aan xaqa garab istaagin, ma noqon karto dad iyo dawlad.
Qabyaaladdu waxay burburisaa damiirka, waxay dilaysaa caddaaladda,
waxay curyaamisaa horumarka.

Qabyaaladdu waa sida dab:
haddii aan la damin, waxay gubi doontaa guryaha oo dhan , denbiile iyo dhibbane labadaba.

Baaq:
Inaan Ka Baxno Indho-la’aanta
Dhego la'aanta damiir la'aanta

Waa in umadda Soomaaliyeed ay ka baxdo indho-la’aanta
Iyo dhego la'aanta qabyaaladeed:
- In la xukumo denbiilaha, ha ahaado reerkeena ama reer kale.
- In la garab istaago dhibbanaha,
- ha ahaado qabiilkeena ama qabiil kale.
- In la dhiso caddaalad aan qabiil lahayn,
- si umaddu u gaadho dawladnimo dhab ah iyo caddaaalad iyo sinaan oo la isla xisaabtamo.

Hadaba Daba Gale oo ahaa taliyihii ciidanka police-ja Somaliland ma danbiile qaran baa oo dad dhalinyaro ah dilay oo dhaawaxay oo xidh xidhay oo hablo caar ah jeel Gabilay ah u madtaafuriyay oo ku soo xidhay oo habeel iyo maalin hanjabaad TV-ga qaranka la,soo fadhaiyay oo aflagaado iyo hanhabaad la soo fadhiyay
Mise waa geesi reer ka dhashay oo la xasuumaayo oo la sharfaayo oo la soo dhaweynaayo oo la dhegeysanaayo?

Daba Fale waa denbiile qaran oo ay tagay in la xukumo oo la takooro.

Qalinkii: Cali Biixi
S
Galaydh466@ gmail.com
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...