Soomaaliya oo sheegatay Guusha ay Dekedda Berbera ka gaadhay Qiimaynta Dekeddaha.

Monday September 29, 2025 - 13:38:17
hadhwanaagnews
Maareeyaha Hay'adda Dekedaha Somaliland ayaa si cad u beeniyey hadal
May be an image of 3 people and text

Maareeyaha Hay’adda Dekeddaha Somaliland ayaa arrintaasi beeniyey isaga oo ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin.

Maareeyaha Hay’adda Dekedaha Somaliland ayaa si cad u beeniyey hadal kasoo baxay Wasaaradda Dekedaha Dawladda taagta daran ee Soomaaliya, kuwaas oo ku doodayey in guusha ay Dekedda Berbera ka gaadhay qiimaynta Container Port Performance Index (CPPI) 2025 ee ay soo saareen World Bank iyo S&P Global Market Intelligence ay iyagu leeyihiin.

Maareeyuhu wuxuu sheegay in guushan ay tahay mid si buuxda uga dhalatay maalgashiga, qorsheynta, iyo Jamhuriyada Somaliland.
     
Loading...