Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdinaasir Xirsi ayaa shalay kulan istaraatiiji ah la yeeshay dhiggiisa dalka Jabuuti, Mudane Axmed Cismaan Cali iyo Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe ee Jabuuti, kulankaas ayaa ah mid muujinaya tallaabo muhiim ah oo horumarineed oo ku aaddan dhisidda xidhiidh dhaqaale oo joogto ah, isla markaana dan iyo faa’iido u ah danaha labada dal iyo guud ahaan gobolka.
Kulankaasi waxa uu diiradda saaray kor u qaadista iskaashiga laba geesoodka ah ee dhinacyada bangiyada, ganacsiga, aqoon-is-weydaarsiyada iyo xoojinta degganaanshaha dhaqaale ee gobolka. Tani waxay ka tarjumaysaa fahamka labada dhinac ee ah in horumarka dhaqaale uu yahay furaha nabadda, xasilloonida iyo horumarka waara ee Geeska Afrika iyo guud ahaan dunida ba.
Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland ayaa si joogto ah ugu hawlan sidii uu Baanka Dhexe ee JSL uga dhex-muuqan lahaa madalaha caalamiga ah iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashi la taaban karo oo ay la yeeshaan hay’adaha iyo baanka dhexe ee dalalka deriska ah iyo guud ahaan waddamada caalamka.
Tallaabadan uu qaaday Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland waa istaraatijiyad muhiim ah oo ay ka dhalan karaan: Hanaanka maaliyadeed oo la casriyeeyo; Fursado cusub oo maalgashi; Korodhka kalsoonida hay’adaha maaliyadeed ee Somaliland iyo in dariiqa suuq-geynta Somaliland ee caalamiga ahi uu noqdo mid la fahmi karo oo la isku halleyn karo.
Sidoo kale, xidhiidhka tooska ah ee ka dhexeeya baanka dhexe ee labada dal wuxuu noqon karaa tallaabo sal u ah in la isu furfuro adeegyada bangiyada, gaar ahaan marka la eego ganacsiga xuduudaha iyo adeegsiga nidaamyada lacag dirista (payment systems) ee casriga ah.
Sannadihii u dambeeyey, Somaliland waxay qaaday tallaabooyin muhiim ah oo dhanka horumarinta nidaamka maaliyadeed ah, waxaana muuqata in Baanka Dhexe uu door hoggaamineed ka qaadanayo hagaajinta kalsoonida hay’adaha maaliyadeed, dejinta siyaasado dhaqaale oo macquul ah, iyo kobcinta iskaashi caalami ah oo waxtar leh.
Gunaanad:
Kulanka Jabuuti ka dhacay waa tusaale kale oo muujinaya sida Somaliland ay uga go’an tahay in ay xidhiidh maaliyadeed oo joogto ah la yeelato waddamada caalamka, isla markaana ay samayso is-dhex gal caalami ah, xasilloon oo la jaanqaadaya baahida gobolka iyo isbeddellada dhaqaalaha adduunka. Taas oo suuragal ka dhigaysa in Somaliland ay hesho marinno cusub oo maalgashi iyo horumar dhaqaale, isla markaana ay door muuqda ka ciyaarto degganaanshaha dhaqaale ee gobolka.
Baanka Dhexe ee Somaliland wuxuu kasbaday kalsooni buuxda oo heer caalami ah, taas oo si weyn isu soo taraysay muddooyinkii ugu dambeeyay, waxaana loo baahan yahay in dadaalladaasi la taageero, laguna dhiirrigeliyo iskaashiyada qotada dheer ee uu samaynayo Baanka Dhexe kuwasa oo leh aragti fog iyo yool cad oo ku dhisan maslaxad guud.