Protectorate iyo French Somaliland la bilaabay 1887, ka ItalianSomalia 1929, j
Sida ay marar badan sheegeen siyaasiyiin iyo aqoonyahanno Ingriis iyo Somali ahi heshiiskii loo yaqiin Anglo–Abyssinian Treaty ee May, 1897 oo qodobkiisa kowaad sugaayey xuduudka Abyssinia iyo British Somaliland Protectorate, Ingriisku wuxuu saxeexay isagoon si fiican u fahamsanayn damaca dhulballaadhsi ee Abyssinia iyo dhaqan-bulsheedka qabaailka Somalida. Ingriisku in badan ayuu ka cagajiiday in la calaamadiyo xuduudka labada dal u dhexeeya. Halka calaamadaynta xududada British Somaliland
Protectorate iyo French Somaliland la bilaabay 1887, ka ItalianSomalia 1929, jeexista xadka Ethiopia iyo British Somaliland waxa la bilaabay 1932kii, xilligaas oo dadkuna ay gadood xooggan kala horyimaadeen.
Ka dib markii ciidamadii Ingriiska oo ay taageerayeen ciidamo Ethiopain ahi ay Talyaaniga ka xoreeyeen Ethiopia 1941kii, waxa Ingriiska iyo Ethiopia kala saxeexdeen heshiis (Anglo-Ethiopia Agreement) 31kii January 1942 kaasoo nuxurkiisu ahaa in dib loo yagleelo madaxbaanidii Ethiopia maamulka goboladeediina si taratiiba loogu soo celiyo gacanta Boqor Xayle Salase. Heshiiskaasi wuxuu ogolanaayey in Ingriisku gacanta ku sii hayo gobolada Ogaden iyo Reserve Area, oo ahaa laba gobol oo Somaliyeed.
Ujeedada Ingriiska waxa lagu cadeeyey qorshihii loo yaqiin "Bevin Plan" ee Wasiirkii Arrimaha Dibedda Ingriisku, Mr. Ernest Bevn, soo hordhigay shirkii wasiiradii ariimaha dibedda ee xulafadii dagaalkii 2aad,- UK, USSR, USA iyo France ee ka dhacay London 28kii April 1946. ingriisku wuxuu soo jeedhiyey in Italian Somalia, British Somaliland, Ogaden iyo Reserve Area oo dhammantood markaa ku jiray gacanta Ingriiska la geliyo international trusteeship Ingriiskuna uu noqdo maamulaha gaadhsiiyaha xornimada, si taasoo aasaas u noqonaysa abuuritaanka Somaliweyn. Xilligaasi waxay ahayd markii ugu horreysay ee la maqlo erayga Somaliweyn. Qorshahaa waxa ka horyimi dhammaan xulafadii dagaalka iyo markii dambe Ethiopia. Halkaa waxa kusoo ku soo afjarmay "Bevin Plan" kii xambaarsanaa hamiga Somaliweyn, hamigaas oo la odhan karo wuxuu toos u dhintay 1950kii markii Italian Somalia dooratey in Talyaanigu uu xornmada gaadhsiiyo.
Diidmada Isbahaysiga ee Bevin Plan, waxay keentay in Ingriisku Ogaden dib ugu celiyo Ethiopia July 24, 1948 halka Reserve Area oo xaruntiisu ahayd Aware, uu ka mid noqday British Somaliland Protectorate. Khariidadii hore ee maamuulkii British Somaliland ku hawl geleyayna waxa dib loogu habeeyey sida hoos ka muuqata.
.
Nasiib darro, Ethiopia iyo Ingriisku waxay si qarsoodi ah ugu heshiiyeen 29kii November, 1954, in Reserve Area lagu wareejiyo Ethiopia 28ka February, 1955. Heshiiskaa waxa shacabka si rasmi ah lagu wargeliyey 5tii January, 1955, waa xilli ay ka hadhsan tahay wareejinta dhulkaasi wax ka yar laba bilood. Taasi waxay keentay gadood shacab oo dalkoo dhan sameeyey waxana la galay tabaabulshe degdega si arrintaa looga hor tago. Ugu horreyn waxa Ingriiska loo diray wafti ay gebi ahaanba shacabka Somliland maalgeliyeen oo ka koobnaa 1. Micheal Mariano Ali, 2. Dubbe Cali Yare, 3. Suldan Cabdilahi Suldan Diiriye iyo 4. Suldan Cabdiraxman Suldan Diirye si ay xukuumadda ingriiska ugala soo hadalaan gefka dhacay iyo sida ay muhiim u tahay in la saxo.
Weftigu markii ay gaadheen London waxay markiiba la kulmeen wasiirkii mustacmaradaha ee Ingriiska Mr. Alan Lennox-Bayd, iyagoo ka codsaday in dib loo dhigo dhaqan-gelinta heshiiska oo ku beegnayd 28th February, 1955. Wasiirku wuxu codsigii waftiga horgeeyey mudanayaasha Golaha Shacabka (House of Commons) kuwaas oo dood dheer ka yeeshay 23kii February, 1955, oo ku beegnayd maalin Arbaca.
Mudanayasha waxay ku eedeeyeen dawladda inay khalad weyn ka gashay dadkaasi waxayna wasiirka culays ku saareen inuu Ethiopia ku qanciyo in dib loo dhigo meel marinta heshiiska si waqti loogu helo sidii khaladka dhacay wax looga qaban lahaa, maadaama meelmarinta heshiiska ay ka hadhsanayd muddo toddobaad ahi. Wasiirku isaga oo iska moosaya khaladka dhacay wuxuu mar walba ku doodayey in nasiib darrada dhacad ay ahayd heshiiskii Anglo–Abyssinian Treaty ee 1897kii, Ethiopiyana uu dhowr jeer kala hadlay in dhaqangelinta heshiiskan cusub dib loo dhigo laakiin ay Ethiopia ganafka ku dhufatay codsi kasta.
Mar labaad ayaa haddana dib loogu diray wafdi ka koobnaa 1. Micheal Mariona iyo 2. Suldan Biixi Fooley inay arrinta geeyaan Jimciyadda Quruumaha iyo Maxkamadda Adduunka. Arrimo sharci oo salka ku hayey inaan Somaliland xor ahayn kana mid ahayn UNta iyo Maxkamadda Adduunka ayaa dadaalkii wafigaana ka hor yimi.
Mar saddexaad ayaa 18 May 1960 wefti uu hoggaaminayo guddoomiyihii dawladdii cusbayd ee daakhilaga Maxamed Xaji Ibrahim Cigal ayna ka mid ahaayeen wasiirada 1. Xaaji Ibrahim Nuur, 2. Cali Garaad Jaamac iyo 3. Axmed Keyse Xaaji Duccale oo uu weheliyo xoghayihii baarlamaankii cusbaa, Axmed Maxamed Aden Qaybe, booqasho ugu tegeen Boqor Xayle Salaase kalana doodeen muhiimada ay leedahay dib u soo celinta reserve area inta aan la gaadhin xornimada. Safarkaasina wuxuu noqday mid ay hungo kala soo noqdaan, taasoo dadar gelisay xamaasadii midowga.
Waxa xusid mudan in mudanayaal ka tirsanaa House of Commons Ingriisku ay dhinacooda ka wadeen taageeridda in dib looga fiirsado wareejinta Reserve Area. Badhaasaabkii ugu dambeeyey ee British Somaliland Sir Douglas Hall, oo shaqada bilaabay 11 July 1959 ayaa marar badan xasuusiyey siyaaysiintii mindida daabkkeda hayay in midowga loo jibaysan yahay uu meesha ka saarayo raadinta dhulkii maqanaa. Nasiib darro taldaas ilaahay ma solonsiin siyaasiyiintii xilligaa.
Midowgii lagu hungoobay ee 1da July 1960 wuxuu meesha ka saaray baadigoobkii Reserve Area waxana meeshiisii galay raadinta Somaliweyntii uu sooo jeediyay Bevan Plan sanadki 1946, taasoo horeba quwadihii dunida ugu tunka weynaa uga horyimaadeen. Sida dad badani qabaan haddi aan midowgii 1960 dhici lahayn, waxa hubaal ahaan lahayd in Reserve Area uu maanta xornimo ku naaloon lahaa.
Waa waajib saran qof kasta, inuu halkii kasii wado dadaalkii ay siyaasiyiintii iyo madax dhaqameedkii hore bilaabaaen. Dhammanteen waynu jeclaan lahaa inaynu aragno Borama iyo Aw Barre oo ah twin cities qurux badan, Wajaale oo hal magaalo ganacsiyeed isku ah, highway dhereran min Berbera ilaa Aware, Burco iyo Danood oo isu furan.
MoUgii ay Somaliland iyo Ethiopia kala saxeexdeen bilowgii 2024, ma yahay fursad dahabi ah oo himiladaa lagu xaqiijin karo…la soco.
Abdi Roble