Roobab Xooggan oo Fatahaado iyo Dhul-gariir ku sababay Kasmir

Wednesday August 27, 2025 - 15:09:25
hadhwanaagnews
Kumanaan qof ayaa laga daad gureeyay meelaha biyuhu galeen, iyadoo,,,


 Roobab xooggan ayaa sababay fatahaado iyo dhul-gariir ayaa ku dhacay Kasmir ee ay maamusho India, kuwaas oo ku dilay tiro dad ah.

Xaaladani waxay timid wax ka yar hal bil kadib fatahaado hore oo Himalaya ka dhacay, kuwaas oo geystay dhimashada ugu yaraan 65 qof.

Kumanaan qof ayaa laga daad gureeyay meelaha biyuhu galeen, iyadoo iskuulada iyo jaamacaduhuna ay xidhan yihiin.

Wabiyada Tawi iyo Chenab ayaa biyahoodu ka badatay xadka halista, taas oo keentay carqalad weyn oo gaadiid, burbur wadooyin iyo duulimaadyo la beddelay.

Maamulka ayaa ku howlan soo celinta adeegyada isgaadhsiinta, iyadoo saadaaliyayaashu ka digayaan roobab dheeraad ah iyo in bulshada ay taxaddar muujiso.
     
Loading...