Somaliland oo Dardar-gelinaysa Iskuxidhka Waxbarashada iyo Wax-soo-saarka Beeraha

Monday July 28, 2025 - 12:05:48
Wasaaradda Beeraha iyo Wasaaradda Waxbarashada Somaliland



Safarka shaqo ee Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL, Mudane Mukhtaar Xaaji Muxumed Faarax, ee uu ku tegay magaalada Nairobi ayaa muujinaya muhiimadda ay Somaliland siineyso isku xidhka ka dhexeeya waxbarashada iyo wax-soo-saarka beeraha ee maxaliga ah.

Ka qaybgalka shirka lagu falanqeeyay barnaamijka"Home Grown School Feeding Programme”oo ay soo qabanqaabisay hay’adda CARE, ayaa ah mid muhiim u ah kobcinta xidhiidhka u dhexeeya beeralayda maxalliga ah iyo nidaamka waxbarashada ee dalka. Barnaamijkani waxa uu dhiirrigelinayaa wax-soo-saarka gudaha iyadoo ardayda dugsiyada lagu quudinayo cunto si toos ah uga timaadda beero maxalli ah, kuwaas oo badankooda si gaar ah loogu sameeyay gudaha ama hareeraha dugsiyada.

Wasaaradda Beeraha iyo Wasaaradda Waxbarashada Somaliland ayaa si dhaw ula shaqaynaya CARE International si loo horumariyo nidaamkaas, iyadoo mudnaanta la siinayo: Tababarrida beeraleyda deegaanka; Horumarinta beeraha laga dhex sameeyo dugsiyada; Bixinta Greenhouse-yo iyo qalab beereed iyo Taageeridda cunto-quudinta ardayda iyadoo laga faa’iideysanayo wax-soo-saarka maxalliga ah.

Himilada mashruucan waxa ay tahay in la abuuro nidaam cunto-karin maxali ah oo noqota mid waarta (sustainable), iyada oo mashruucan lagu salaynayo in waxbarashadu ay qayb weyn ka qaadato horumarinta bulshada miyiga iyo beeraleyda yar-yar, taas oo si toos ah kor ugu qaadaysa helitaanka cunto, waxbarasho iyo dhaqaale deegaaneed.

Shirkan waxa uu astaan u yahay ballanqaadka xukuumadda Somaliland ee ku wajahan wax-ka-qabashada nafaqo-xumada, kobcinta waxbarashada, iyo horumarinta wax-soo-saarka gudaha. Sidoo kale, wuxuu xoojinayaa doorka hay’adaha caalamiga ah sida CARE International oo gacan ka gaysanaya ujeeddooyinka horumarineed ee dalka.

     
Loading...