"Waddani maaha Xisbi cidi leedahay ee waa Xisbi loo soo kala horeeyey " Siyaasi Cagawayne

Tuesday July 22, 2025 - 17:32:10
"Waxan ka soo wareegay xisbiga KULMIYE waxa aanan


Siyaasi Cabdicasiis Maxamed Xaashi(Cagaweyne) oo ku biiray xisbiga talada dalka haya ee WADANI ayaa ka hadlay soo dhawayn ay u sameeyeen masuuliyiinta ugu saraysa Xisbiga Waddani.

Cabdicasiis Cagawayne oo hore u soo maray Maayer ku xigeenka degmada Haragysa iyo gudoomiye Ku xigeenka gaddiga qandaraasyadda qaranka Somaliland ayaa si rasmi ah u sheegay inuu ka soo wareegay Xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE kuna biiray xisbul xakimka Somaliland ee WADANI.

”Waxan ka soo wareegay xisbiga KULMIYE waxa aanan u soo wareegay Wadani, waarun xisbigani maaha xisbi ay cidi kala leedahay waa xusbi loo soo kala horeeyey, waa xusbi uu aas aasay Madaxwayne aad iyo aad u dagan, laab furan, madaxwayne inta yar ee aad la joogto ay ku deeqayso” ayuu yidhi Siyaasi Cabdicasiis Cagawayne.

Waxa kale oo intaasi ku daray in ku biirista Xisbiga WADANI aanay ahayn doonashada xil balse ay tahay arrin shaqsiya oo uu goostay taasi badal keedana ay la noqon wayday inuu mucaarado Madaxwayne hore uu laba jeer u soo macaaraday.
     
Loading...