Qalbigii mugdiga ahaa ' Nal baa u ifay.

Friday July 04, 2025 - 22:00:42
hadhwanaagnews
Qeybta 3aad
May be an image of 7 people



Qadar wuxuu is yiri hadaad arintaan farxadeed la wadaagto aad u sheegto amey kaa fogaataa uma uusan sheegin sideeda ayuuna ku daayay marwalpa wuu la xidhiidhi jiray maryamo si uu ugu beero dareen jaceyl oo dhankiisa ah lknse qadar ma ogeyn iney gabadhii maryamo aheyd isaga jeclaatay inkastoo aysan u shergan

Maryamo ayaa ku tiri waxaan rabaa inaan arin kula wadaago waana yara baqayaa oo xishood baa i haya mana garanayo meeshaan ka bilaabi lahaa blse waa muhiim inaan kuu sheego adiga ogaato arintaas waxeyna tahay mudooyinkaan dambe xaaladeyda ma wanagsana sidii horana maba ihi oo isbadal weyn igu dhacay

Runta waa lama huraan wllo shalay adiga ayaa ii soo bandhigtay xidhiidh jaceyl inkastoo dib u dhigay aniga hadaba wawtigan aniga ayuu igu soo wareegay waana ku jeclaaday badweyntii jaceylka moolka joogaa bad-baado alle ayaana taaganahay ee adigan badbaado kaa doonayaa si aan uga badbaado dhibta jaceylku leeyahay

Qadar hadalada ay maryamo kula hadleysay oo ahaa iney dareen jaceyl u qaaday badbaado ka sugeyso aad buu ugu farxay wuxuu ku yiri raali ayaan kaaga ahay waana ku soo dhaweynayaa waayo aniga hortaa ayaan ku jeclaa adiga uun baana kaa sugayay natiijo iyo inaad ila fahamto dareenka jaceyl aan adiga kuu qaaday

Maryamo jawaabta uu qadar siiyay aad bey ugu faraxday waxey ku tiri dareenka jaceyl adigaba igu beeray sow maaha waayo hadal wanagaga, iyo markad igu dhahday hooyadey baad u qaab egtahay xagaaga ayaan u badanahay markaan in badan fikiray waxaan ogaaday inaan adigaba si dhab ah kuu jeclaaday farxad ii tahay

Lamaanahan is jeclaaday waxey jaceyl, farxad, xasilooni, isfaham, nabad, ku wada socdaanba waxaa mudo badan kadibna dhacday maryamo in uu aabaheed iyo hooyadeed ka soo doontay nin hanti leh oo ganacsade ahaa blse inkastoo ay diiday hadana aabaheed iyo hooyadeed isku dhinac ahaa wey u ogolaadeen ninkan

Blse maryamo ninkaan taajirka ahaa guurkiisa wey diiday oo waxey tiri aniga ninka taajirka ah laba arimood ayaanba ku nacay mida koobaad jaceylka qiimihiisa aqoon umaba malaha mana qiimeeyo, mida labaad ixtiraam, xushmad, iyo af macaani midna maba yaqaano marka sabab aan ku guursado ma jirtee ha i dhaafo

Aabaheed ayaa ku yiri ducadeyda qaado ninkan sidey iila muuqato waa nin wanagsane maxaad ku diideysaa hadalkeena hadii aad diido niyada ayaa naga jabeyso aniga iyo hooyadaa waxaan jecelnahay adigoo nolol qurxoon ku nool inaan aragno intaan dhiman ducadeena inaad nagala hartaa dooneynaa hanaga siidin marka

Maryamo hadalkii aabaheed wey ogolaatay oo wey aqbashay inuu ninkan taajirka ah guursado isla markii qadar ayay wacday lkn mobile-kiisa ayay wacday si ay arintan ugu sheegto lkn wuu ka dansanaa mobile-ka wey murugootay weyna fikirtay oo waxey is weydiisay toloow xaaladee ayuu ku sugan yahay miyuu xanuunsaday

Maalmo dabadeed ayuu dib u soo wacay waa markii la mehersaday kadib mobile-kiisa waxa ku dhacay markay weydiisay wuxuu u sheegay inuu ka halaabay sim-ka mobile kale ayuu iigu jiraa ayuu ku yiri arintii ayay u sheegtay wuu ka naxay wuuna ilmeeyay xaalad kale ayuu galay dhulka ayuu ku dhacay wuu miir daboolmay????

La soco qeybtii 4aad Haduu Alle Idmo

Waxaa Qoray Boqorka Xaliyaha Jaceylka.

 

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...