Qalbigii mugdiga ahaa ' Nal baa u ifay.

Friday July 04, 2025 - 10:51:01
hadhwanaagnews
Qeybta 2aad

 

May be an image of 10 people and text

Qadar wuxuu ugu jawaabay waad ku mahadsan tahay wllo maadaama aad naxariis ii sameysay eedadey iyo ilmaheeda mid aniga ii naxariista waan ka waayay sidaa darteed dhibaatooyinka ii geysanayaan meel aan ku nafiso ama aan ku iloobi karo ayaan helay waana adiga waxaana ku leeyahay kun jeer waad mahadsan tahay

Maryamo waxey ku tiri maya wll saas ha dhihin in la isku naxariisto waa arin wanagsan aniga maadaama aan hooyada kaa dhimatay u qaab ekahay booska hooyadaa kuuma gali karo blse waxaan isku dayaa inaan waqti walpa aan kaa ilaaliyo murugada qof aysan hooyo u nooleyn wuxuu ku nool yahay nolol bilaa iftiin ah

Sidaa darteed maryamo waxey ku tiri waqtigan kadib hooyadey baa imaaneyso si qaldan iney ii fahamto ma rabee markale inoo balan ah waad haysataa numberkeyga marwalpa murugo aad dareento waad i soo wici kartaa garabkaagaan ahaan doonaa isaga samir eedadaa iyo ilmaha ay dhashay illaah ha soo hanuuniyee

Qadar wuxuu ugu jawaabay mya ma dhaceyso in adiga si qaldan hooyo kuu fahamto hadana waan kaa sii tagayaa waa inoo markale sidaas buu uga soo tagay wiilkan qadar aad buu ugu faraxsanaa inuu gabadhan quruxda badan ee naxariista badan hadana hooyadiis u eg garab iney siiso muhiimad weyn ayuu u arkayaa

Maalin ayayna eedadii waxey canaan iyo qeylo isugu dartay qadar, ileen dhaqan iyo dabrecad ayay u leedahee blse wuxuu kula hadlay hadal wadnaheeda gilgilay wuxuu ku yiri eedo adiga sidaan ayaad iila dhaqmeysaa hooyadey hadey ii noolaan laheyd sidaani iilama dhaqmi laheyn bal kwrn haduu illaah adiga ifka kaa qariyo

Dabadeed aabahey intuu naag kale guursado ilmahaaga sidaad aniga iila dhaqmeyso ay ula dhaqanto dhibaato iyo silac sow kuma noolaan laheyn ilmahaaga, illaahey dulmiga maba jecla naftiisa wuu ka xarimee adigoo adoonkiisa ah sabab aad anigoo hooyadey nolol iyo aduunyo ku waayay ii dhibaateyneysaa ii sheeg

Eedadii hadaladas markii ay maqashay wadna gariir baa ku dhacay dareenkeedii dhan wuu is badalay weyna ilmeysay waxey u balan qaaday ineysan dhibaato iyo dulmi dambe maantadan kadib ku sameyn doonin balan adag ayayna u qaaday ilmaheedii ayay u wada yeertay markey u yimaadeen wiil iyo gabadhba

Waxey ku tiri maantadan dabadeed qadar waa wiilkeyga qof adinka idinka mid ah haduu il xun ku eego wuu ka shalayn doonaa qaladkaad ka wada gasheen waa inaad dhamaantiinaba raali gelin ka bixisaan waayo waa walalkiina idinka weyn xumaan dambe waqtigan kadib dhexdiina yeysan imaan is walaashada oo is garabsada

Eedadii hadaladda qadar kula hadlay waxey ku noqdeen waran wadnaha iyo dareenadeedaba lagu kil-kilayo oo kale waxey niyadeeda ka dhex aragtay iyadoo dhimatay ninkeedana naag kale guursaday ilmaheeda la silcinayo in badan bey ku riyooneysay ilaa markii dambe wiilkii qadar u timaado cafis weydiisato wuuna cafiyay

Maalintii xigtay qadar wuxuu wacay numberkii ay maryamo u qoreysay wey ka qabatay markii ay weydiisay qofka uu yahay wuu isku sheegay wey aqoonsatay dabadeedna soo dhaweysay waqtiyo badan bey wada hadli jireen labadooda ilaa maalma badan markii dambana maryamo wey jeclaatay wiilkii qadar ahaa

La soco qeybtii 2aad Haduu Alle Idmo

Waxaa Qoray Boqorka Xaliyaha Jaceylka.

 

 

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...