Waxa aan Rajaynayaa in Somailand la Aqoonsado, Waanay Dhawdahay oo Fasalkeedi baa Muuqda Maanta

Wednesday May 14, 2025 - 12:03:53
hadhwanaagnews
Xildhibaanka oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi



Xildhibaan Siciid Maxamed Cismaan (Libaaxo) oo ka mid ah mudanayaasha golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somalilad oo waraysi gaar ah siiyay Wargeyska dawladda ee Dawan ayaa sheegay in ay muuqato ifafaalada Aqoonsiga Somaliland, waxaanu sheegay in uu ku rejo-wayn ka qabo in wakhti-xaadirkan lagu jiro la Ictiraafo Somaliland.

 

Xildhibaan Siciid Maxamed Cismaan (Libaaxo), ayaa sidoo kale bulshada reer Somaliland ugu baaqay in ay xoojiyaan ilaalinta amniga xiligan lagu jiro u diyaar garawga Xuska 18 May, sidoo kalena waxa uu dadweynaha u soo jeediyay in ay xurmeeyaan calanka qaranka JSL ee ay ku xardhantahay kalmadda Tawxiidka ILLAAHAY.

 

Xildhibaanka oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi "Waxaan rajaynayaa in Somailand la aqoonsado, waanay dhawdahay oo fasalkeedi baa muuqda maanta, ummadda reer Somaliland-na 34-kaasi sanno ayaynu rajaynaynay in Somaliland mar uun la Aqoonsado, ummadana waxaan leeyahay aynu u diyaar-garowno xuska 18-ka May oo sannadkan inoogu soo hagaagay sannad barwaaqo ah oo dhulku wada Cagaar yahay, ILLAAHAY-na Ictiraafka ha inagu gaadhsiiyo.”

 

Sidoo kale Xildhibaan Siciid Maxamed Cismaan ayaa masuuliyiinta Madbacadaha dalka ugu baaqay inay lexo-jeclo gaar ah u yeeshaan calanka Somaliland oo ay ku xardhan tahay Kelmada Tawxiidka ee "LAA-ILLAAHA ILLA-LAAH” oo ay ka reebaan calamaanta yar yar si aan qashinka loogu darin, waxaanu yidhi ""Waxaan leeyahay qolyaha Madbacadaha in Kelmada Tawxiidka ILLAAHAY ee ku qoran calankeena in ay inagu qaalisanaato oo meel sare ay sudhnaato mooyee, calamada yar yar waa in laga reebi karaa, yaan la odhan Dastuur, maxaa yeelay, Dastuurkeenu Diinta ayuu ku fadhiyaa, wixii Diinta lagu ilaalinayo waynu ku khasbannahay dhammaanteen.”

 

Xildhibaanku waxa kale oo uu farriin u daray dadka siyaasadaynaya arrinta la xidhiidha in calamada dabaal-degga laga reebo kalmada Tawxiidka, waxaanu yidhi Dadka siyaasadaynaya waxaan leeyahay ka daaya, maxaa yeelay marka 18 May la xuso waxa dhacda in Qashinku bato, calanka Somaliland-na lagu tuuro meel kasta, oo qaar muwaadiniinta ka mid ah ay isku xil-qaamaan ururintiisa, waa in loo kaco ilaalinta calanka iyo astaanta Qaranka ee la tuuro xiliyada xusasku dhammaadaan”.

 

Gebo’gabadii Xildhibaanka ayaa bulshada ugu baaqay in ay xoojiyaan ilaalinta amniga xiligan lagu jiro u diyaar garawga debaal-degyada xuska 18 May, isla markaana ay la shaqeeyaan ciidanka amniga, lana socodsiiyaan wixii ay ka shakiyaan waxaanu yidhi "Amniga in la xoojiyo weeye, shacabka Somaliland waa wada Booliis, Somaliland waxay ku soo caano maashay waa shacabka, qof kastaa qofka ku xiga ayuu la socdaa, waxaanu ku foogan yahay xiliyadan oo kale ilaalinta nabadgelyadda dalka.

 

Bulshada waxaan leeyahay xuska maalinta Qaran ee 18 May ka soo wada qayb qaata, oo sida maalmaha ciidaha loo muujiyo oo dadku u ciidaan u muujiya”.

     
Loading...