DR Congo oo Mamnuucday Xisbigii Madaxweynihii Hore ee Joseph Kabila

Saturday April 26, 2025 - 10:59:24
hadhwanaagnews
Kabila waxa uu 18 sano hogaaminayay DR Congo...



Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa mamnuucday xisbiga madaxweynihii hore ee Joseph Kabila, iyada oo lagu eedeeyay inuu xidhiidh la leeyahay jabhadda M23 oo sannadkan qabsatay qaybo badan oo bariga dalkaas ah. Mamnuucidda ayaa ku soo beegmaysa iyada oo ay soo baxayaan warar sheegaya in Kabila uu dib ugu soo laabtay dalka ka dib markii uu muddo laba sano ah ku sugnaa dalka Koonfur Afrika.

 

Waxaa la sheegay in uu dib ugu laabtay magaalada Goma, oo ay bishii January qabsadeen kooxda M23 ee Rwanda ay taageerto.

 

Kabila waxa uu 18 sano hogaaminayay DR Congo, ka dib markii uu bedelay aabihiis Laurent, oo la toogtay 2001. Joseph Kabila xilligaas waxa uu ahaa 29 jir.

 

War ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ayaa lagu sheegay in dhammaan dhaqdhaqaaqyadii xisbiga PPRD ee Kabila la mamnuucay sababo la xidhiidha "dabeecadaha mugdiga ku jira” ee ku aaddan qabsashada dhulka Congo ee M23.

 

Waxay kale oo la xusay in Kabila uu doortay inuu ku laabto Goma, halkaas oo uu ku ilaalinayo "cadowga”.

 

Mas’uuliyiinta PPRD kama aanay hadlin warka mamnuucida. Jimcihii, dawladdu waxay ku eedaysay Kabila, oo 53 jir ah, inuu galay khiyaano qaran, waxaanay amartay in la qabto dhammaan hantidiisa.

 

Kabila ayaa horay u beeniyay inuu xidhiidh la leeyahay M23. kamuu ka hadlin dhaqdhaqaaqyadii ugu dambeeyay ee dowladda Congo, isla markaana muu xaqiijin inuu dib ugu laabtay DR Congo.

 

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu sheegay horaantii bishan inuu dib ugu laaban doono dalka. Saraakiisha sare ee PPRD ayaa beeniyay in Kabila uu hadda ku sugan yahay magaalada Goma.

 

Sabtidii, afhayeenkiisa Barbara Nzimbi ayaa ku faafisay X in Kabila uu la hadli doono qaranka saacadaha ama maalmaha soo socda.

 

Sidaas oo kale, afhayeenka M23 ma aanu xaqiijinin mana beenin joogitaanka Kabila ee Goma, isaga oo yidhi: "U ma arko wax dhibaato ah inuu halkan joogo.”

 

Waa kuma Joseph Kabila?

 

Ka dib markii loo dhaariyay xilka madaxweynaha geeridii aabbihii ka dib, wuxuu laba jeer ku guuleystay doorashooyin. Muddo xileedkiisii ​​labaad oo ahaa kii u dambeeyay ee xilka loo doortay ayaa si rasmi ah u dhammaaday December 2016, balse wuu diiday inuu xilka ka dago, isaga oo sheegay in aanay suurtogal ahayn in doorasho la abaabulo, taas oo keentay mudaaharaadyo ay dad ku dhinteen.

 

Waxa uu xukunka sii hayay laba sano oo dheeri ah ilaa laga gaadhayo doorashada ugu dambeyntii 2018-ka. Bishii Janaayo 2019, waxa uu xukunka ku wareejiyay Félix Tshisekedi, oo ah ninka sida rasmiga ah ugu guuleystay doorasho lagu muransan yahay, taas oo dad badan oo goobjoogayaal doorashada ay sheegeen in uu si sax ah ugu guuleystay Martin Fayulu.

 

Waxa uu ku eedeeyay Kabila iyo Tshisekedi in ay ku heshiiyeen in xukunka laga saaro – laakiin labaduba beeniyeen.

 

Laakiin xidhiidhka labada qof ayaa sii xumaaday waxaana isbaheysiga xisbiyadooda si rasmi ah loo soo afjaray December 2020.

 

Kabila wuxuu ka tagay DR Congo 2023, isaga oo si rasmi ah wax ugu bartay Koonfur Afrika.

 

Bishii Jannaayo 2024-kii, shahaadada dhakhtarnimada ee ku saabsan geopolitics ee xidhiidhka Afrika ee Maraykanka, Shiinaha iyo Ruushka waxaa lagu ansixiyay Jaamacadda Johannesburg.

 

Muxuu Kabila u soo noqday?

 

Bayaan qoraal ah oo uu ku shaacinayo soo laabashadiisa soo socota, Kabila waxa uu sheegay in ay ka dhalatay rabitaan ah in uu gacan ka geysto xallinta dhibaatada ka sii dareysa ee ammaanka DR Congo.

 

Waxa uu sidoo kale u sheegay majaladda afka Faransiiska ku hadasha ee Jeune Afrique inuu doonayo "in uu door ka qaato xal u raadinta ka dib lix sano oo uu si buuxda uga baxay iyo hal sano oo musaafuris ah”.

 

Laakiin, waxa dad badani rumaysan yihiin inuu doonayo sii wadida taariikhdii aabihiis Laurent Kabila, kaas oo Congo ka soo galay bariga dabayaaqadii 1990-meeyadii socodkiisii uu ​​​​madaxweynaha ku noqday, dad badan oo reer Congo ah ayaa sidaa maskaxda ku haya.

     
Loading...