Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland ee Taiwan, Md. Maxamuud Jaamac Galaal, ayaa sheegay in aanu xiisaynayn ka jawaabida warar malo-awaal ah.
Markii wax laga waydiiyay xaqiiqada booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Taiwan Dr. Lin Chia-Lung ee Somaliland, Safiir Galaal ayaa ku jawaabay; "Waan ka warqabaa wararka la isla dhex-maranayo ee aad tilmaamtay ee ku saabsan baraha bulshada. Dadku way mala-awaalayaan, laakiin annagu ma xiisaynayno warar malo-awaal ah oo aan xaqiiq ahayn.”
Safiir Galaal ayaa sheegay in xaqiiqada warka socdaalka ay wakhtigeeda shaacin doonaan; waxaanu yidhi "Waxaan idiin xaqiijinayaa kartaa in booqashooyinka rasmiga ah lagu dhawaaqo iyada oo loo marayo waddooyinka saxda ah ee rasmiga ah, ee aan lagu dhawaaqin baraha bulshada.”