Dalka Indonesia gaar ahaan magaalada Nusantara, waxaa ay dalxiisayaashu khaati ka taagan yihiin Jiir.

Tuesday April 08, 2025 - 17:22:19
hadhwanaagnews
Maalmihii ciidul Fidriga 64,000 oo qof oo dalxiisayaal
May be an image of text that says 'KF KEM MEDIA MED 스 A5MAN NAK ATPMN 魔 4時12 Magaalo lagu dhisay 32 Bilyan 00 doolar oo khaati ka taagan Jiir.'

Nusantara oo dhacda koonfur bari ee dalka Indonesia ayaa loogu tallo galay in ay culayska ka qaado caasimada Jakarta, oo bulsho aad u fara baddani ay degan tahay. Waxaanna magaaladdan lagu maalgaliyay lacag dhan 32 bilyan oo doolarka Maraykanka ah, waxaanna dhismaheedda la bilaabay 2022-kii iyadda oo ilaa haddana socoto.

Maalmihii ciidul Fidriga 64,000 oo qof oo dalxiisayaal kala yimi gobaladda dalka ayaa tagay magaaladda, waxaanna ay doonayeen in ay magaalada casriga ah ay soo daawadaan, balse wax aanay filayn ayaa kaga soo baxay markii kumanaan Jiirar ah ayaa ku soo baxay. Waxaanna qaar kamid ah la arkayay dalxiisayaashu iyaga oo ka cararaya Jiirka.

Maamulka magaaladda ayaa sheegay in waxyaabo baddan oo lagu xakamaynayo jiirka ay geeyeen magaaladda. Geesta kale waxa khubaradda ka shaqeeya dhismayaashu ay sheegeen in magaaladda Nusantara oo ku taalla meel kaymo ah in caqabad ay ku keeni doonto Jiirka faraha baddan leh haddii aan hadda wax laga qaban
     
Loading...