Burco tan iyo markii Somaliland kortay waxay soo saaraysay
Burco horumarka ayaa lagala dagalamayaa,guuxan iyo is eryadkani maaha dan Burco ee waa Dan shaqsiyo.
Maayirka Burco waa Nin shaqeeyay,cida doonaysa in ay asagana bedesho waa kuwa raba in ay magalada Burco curyaamiyaan.
Inta Xildhibaan ee golaha ka tirsan ee qaylinayaa wax kale iskuma haystaan waa Cashuurta yar ee Masaakiinta laga soo ururiyo sidii ay jeexooda u heli lahayeen.
Burco tan iyo markii Somaliland kortay waxay soo saaraysay halyay balse iyadaa eeda oo halyay kasta ka soo baxaa wuu curyamiyaa.
Dhagaha umada iyo shacabka u tidhia Xildhibaanow oo shaqada laydiin doortay maaha inaad kala fadhi iyo dan aad leedihiin ku mashquusha shacabka u shaqeeya oo horumarka magalada ka shaqeeya.
Xildhibaanadan sheegta aqoonyahan oo qaarkood leeyihiin jaamacado dalka debadiisa ka soo baxaynay,Aqoontu xagay ka martay.!?
Maxaa buuqa hada keenay oo ay Burco in yar oo horumar Wadooyinka dareentay .?
Waa Maxay Sababta Masuul danta Burco u dhaq dhaqaaqa cunaha la iskaga duubaa .?