Somaliland maxay uga jawaatay digniintii adkayd ee uga timid Shiinaha?

Tuesday March 18, 2025 - 09:00:38
hadhwanaagnews
Sida uu sheegay Wang Yu, oo ah Safiirka Dawladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya



Jamhuuriyadda iskeed madax-bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland, ayaa ka hadashay digniin dawladda Shiinuhu ugu jeedisay xidhiidhka ay la leedahay Taiwan, oo Shiinuhu u arko in ay tahay Jasiirad qayb ka ah dhul-weynaheeda.

 

Safiirka Dawladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Wang Yu, ayaa waraysi uu siisay Telefishanka Dalsan TV, waxa uu ku sheegay in ay Somaliland uga digayaan xidhiidhka xoogeysanaya ee ay la leedahay Taiwan, isaga oo xusay in Dawladdiisu qaadayso tallaabooyin aanu xusin nooca ay yihiin oo lagaga hor tegayo Somaliland.

 

Somaliland, ayaa sheegtay in danaheeda sidii ay u aragto in ay ku jiraan, xidhiidh iyo iskaashi ay la yeelanayso dalalka kale, taasina aanay ahayn mid dhaawacaysa Dawladda Shiinaha.

 

Maxay Somaliland ka tidhi digniinta uga timid Shiinaha?

Sida uu BBC-da u sheegay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, waxa uu ku tilmaamay xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan in uu yahay mid iskaashi oo ku salaysan danaha labada dhinac, waxaanu xusay in aanu wax dhaawac ah ku ahayn Dawladda Shiinaha.

 

"Ma garanayno sababta Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya u dhibsanayo xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan, haddii aanu xidhiidh la leenahay Taiwan, waxaanu ka mid nahay dalal kale ee adduunka ah oo xidhiidh la leh, arrintaasina waxba u dhimayso xidhiidha annaga iyo Shiinaha aanu yeelano. Haddii aanu taiwan xidhiidh leenahay macnaheedu maaha in Shiinaha dhibaato naga dhaxayso," ayuu yidhi Wasiirku.

 

Waxa kale oo uu xusay Wasiirka Arrimaha Dibeddu in aanay cidna wax ka weydiinayn dalalka ay xidhiidhka la yeelanayaan .

 

"Maan arag dal, dal kale u yeedhinaya cidda ay xidhiidh la yeelanayaan. Shiinuhu cidda uu xidhiidh la yeelanayo waxba igama weydiiyo, annuguna cid kale waxba kama weydiino cidda aan xidhiidh la yeelanayno."

 

Shiinaha ayaa sida uu isagu qabo u arko Taiwan qayb ka mid ah dalkiisa, waxaanan waydiinay wasiirka intaasi ay noqon karto faragalin ay ku hayn karaan gudaha Shiinaha.

 

"Somaliland cid ay faro gelin ku samaysay ma jirto, Taiwan way jirtaa wixii iyaga u yaala ee sharci ah iyaga ayey u taalaa. Annagu danahayga iyo xidhiidhkayga ayaanu eegnaa, taas macnaheedu maaha in aanu Shiinaha jiritaankiisa diidanahay. Shiinaha Waddan ayaanu u aqoonsanahay, xidhiidhna waan la samayn karnaa, iskaashina waan yeelan karnaa," ayuu BBC da u sheegay wasiirku.

 

Walaac ma ku abuuri kartaa Somaliland tallaabooyinka uu Shiinuhu ugu hanjabay inuu qaadayo?

Sida uu sheegay Wang Yu, oo ah Safiirka Dawladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, waxa uu hoosta ka xariiqay tallaabooyin lagu cadaadinayo Somaliland in ay qaadi doonaan, inkasta oo aanu carrabaabin nooca ay yihiin tallaabooyinka, haddana waxa uu xusay in ay yihiin kuwo ay uga dan leeyihiin in ay Somaliland joojiso xidhiidhka ay la leedahay Taiwan.

 

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland waxa uu BBC-du u sheegay in aysan garanayn sababta ku kalifi karta Shiinaha in uu ka fakaro tallaabooyin ka dhan ah Somaliland.

 

"Ma garanayo waxyaabaha ku kelifaya Shiinaha inuu tallaabooyin ka qaado Somaliland, arrintaasna maaha mid meesha taala. Haddii uu Shiinuhu wax dood ah qabna waanu ka wada hadli karnaa, laakiin wax imika ku kelifi kara inuu tallaabooyin qaado ma garanayo. Haddii uu dagaal ku qaadayo dhamaan waddamada iskaashiga la leh Taiwan ma garanayo taas, laakiin wax Somaliland arrintaas gaar uga dhigaya ma jirto."

 

Maxaa ka soo kordhay xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan ee uu Shiinuhu dareemay?

Somaliland, oo ah Jamhuuriyad iskeed ugu dhawaaqday madax bannaanideeda sannadkii 1991-kii, isla markaana aan weli loo aqoonsan dal madax bannaan, ayaa xidhiidh iskaashi iyo mid dublamaasiyadeed la samaysay Taiwan sannadkii 2020-kii, wakhtigaas oo uu xilka hayey Madaxweynihii hore ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Shiinaha iyo Somalia ayaa wakhtigaas si adag u cambaareeyey xidhiidhkaas.

 

Xisbiga Waddani ee ku guulaystay talada Somaliland, ayaa wakhtigii uu Mucaaradka ahaa dhaliilay xidhiidhka Somaliland la yeelatay Taiwan, iyaga oo markaas ku sababeeyey in waddan ka mid ah kuwa Golaha Ammaanka in ay Somaliland cadaawad gashatay, waxaanay taasi keentay in Shiinuhu si gaar ah isha ugu haya doorashooyinkii Somaliland, isaga oo naawilayey in Waddani wax ka beddeli karo xidhiidhka Taiwan, hase yeeshee Xukuumadda ka dhalatay Waddani iyo Madaxweyne Cirro ayaa ku dhawaaqay in ay sii wadayaan xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan.

 

Madaxweyne Cirro ayaa bishii Janaayo u Magacaabay Maxamuud Aadan Jaamac Galaal Wakiilka Somaliland ee Taiwan.

 

Tallaabadan ayaa la rumaysan tahay in aanu Shiinuhu ku farxin, isla markaana keentay hadal adag ee ka soo yeedhay Safiirka Dawladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Wang Yu.

 

Taiwan ayaa Somaliland ka hirgelisay mashaariic kala duwan oo ay ka mid yihiin kuwo dhinaca caafimaadka ah, Beeraha, waxbarashada iyo Tignoolajiyadda.

Bbc/somali

     
Loading...