Qorshaha barakicinta dadka Qasa ayaa la arkay inuu maanta ku soo
Wargeyska Ingiriiska ka soo baxa ee Financial Times, ayaa horraantii caawa ku warramay inuu Mareykanka la sameeyay xiriirkii u horreyay madaxtooyadda Somaliland oo lagu billaabay wada-hadallo lagu aqoonsanayo Somaliland , taa beddelkeeda uu Mareykanka ku helayo saldhig milatari oo uu ka dhisanayo meel u dhow dekedda Berbera ee gacanka cadmeed.
Wada-hadallada , waxaa sidoo kale qeyb ka ah inay Somaliland dib u dejin u sameyso Falastiiniyiinta laga soo barakicinayo Qasa iyo qaxooti ku sugan Mareykanka, mase aha qeybta ugu muhiimsan wada-hadalka! iyadoo warbixinta lagu sheegay xiriirka labada dhinac uu yahay mid bilow ah oo aysan wali guda gelin kooxda maamulka Trump ee Afrika.
Qorshaha barakicinta dadka Qasa ayaa la arkay inuu maanta ku soo laabtay warbaahinta, iyadoo qorshahan uu riixayo wasiirka istaraatiijiyadda Israa’iil, Ron Derme , kaasoo lagu sheegay inuu u bandhigay saraakiisha Mareykanka inay xoogga saraan xiriirada lala sameynayo, Khartuum, Muqdisho iyo Hargeysa , sabab la xiriira inay yihiin bartilmaameedyo muhiim ah oo oggolaanaya inay bixiyaan dhul la dejiyo Falastiiniyiin, si ay ugu beddeshaan xallinta dhibaatooyinkooda gaarka ah, balse dawladda Suudaan iyo dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa diidday qorshe kasta oo lagu barakicinayo dadka Qasa, halka Somaliland ay warbixinnada maanta soo baxay uga jawaabtay inaysan jirin cid kala hadashay arrimo la xiriira Falastiiniyiinta.