Xaaladda Hadda Jirta
Xaalada u dhaxeysa Itoobiya iyo Eritrea ayaa sare u kacday, iyadoo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal uu si xowli ah u sii kala fogaanayo.
Arrintan waxay salka ku haysaa Rabitaanka Itoobiya ee ah inay hesho dekad rasmi ah, taasoo ay Eritrea si adag uga hortimid.
• Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa horay u sheegay in Itoobiya, oo ah dal ay ku nool yihiin in ka badan 120 milyan oo qof, aysan sii ahaan karin waddan aan lahayn dekad rasmi ah. Hadalkan wuxuu dhaliyay dareen adag, gaar ahaan dhinaca Eritrea.
• Heshiiskii Pretoria, oo lagu soo afjaray dagaalkii Tigray, ayaa sidoo kale qayb ka ah khilaafka, maadaama Eritrea aysan si buuxda uga qayb gelin wada-hadallada, taasoo abuurtay kalsooni darro cusub.
• Labada dal waxay xoojinayaan dhaq-dhaqaaqooda ciidan ee xuduudaha.
• Kumanaan askari ayaa la geeyay Galbeedka Tigray (Wolkayit) iyo Canfarta, taasoo sare u qaaday cabsida suurtagal nimada inuu dhici karo dagaal.
• Waxaa jirta walaac weyn oo laga qabo in khilaafkani isku beddelo gacan ka hadal, taasoo saameyn ballaaran ku yeelan karta gobolka Geeska Afrika.
Khubarada siyaasadda caalamiga ah waxay ku baaqayaan in xiisadda lagu dhameeyo wada-hadal si looga fogaado isku dhac Si kastaba ha ahaatee, xaaladda ayaa weli cakiran, waxaana laga cabsi qabaa in khilaafkani uu keeno cawaaqib halis ah oo ka baxsan Itoobiya iyo Eritrea.