1. Noqo Qof ixtiraam leh – Ula dhaqan dadka oo dhan si sharaf leh, xitaa kuwa ka hooseeya darajadaada. Ixtiraamka aad bixiso wuxuu muujinayaa shakhsiyaddaada, ma aha qiimaha dadka kale.
2. Horumarinta Naftaada – Si joogto ah u horumari maskaxdaada, jirkaaga, iyo dareenkaaga. Akhri buugaag, jimicsi samee, oo maalin walba wax cusub baro.
3. Xakamee Dareemahaaga – Baro sida aad u degganaan lahayd xilliga cadaadiska. Qof qiimo sare leh kama adkaan karaan dareemaha taban sida xanaaqa, cabsida, ama degdegga.
4. Dhaqaalahaaga Xakamee – Maaree lacagahaaga si xikmad leh. Baro kaydinta, maalgelinta, iyo kharash gareynta si caqli gal ah. Madax-bannaanida dhaqaale waa furaha xorriyadda.
5. Noloshaada hadaf U Samee – Ogoow hadafkaaga, oo naftaada u hur sidii aad u gaari lahayd. Qof leh hadaf cad iyo dadaal joogto ah wuxuu kasbadaa ixtiraam iyo qadarin.
6. Horumari Xirfadahaaga Isgaarsiineed – Baro sida aad si hufan u hadasho, u dhageysato, oo aad uga qaybqaadato wada hadallada. Hoggaamiyeyaasha waaweyn waa kuwa si fiican u wada hadla.
7. Xiriir Wanaagsan Samee – Isku wareeji dad ku dhiirrigeliya oo taageero kuu ah. Qof qiimo sare leh wuxuu dhisaa xiriir dhab ah oo faa'iido leh.
8. Noqo Qof is-hoosaysiiya – Kalsooni naftaada ku qab, laakiin ha noqon qof isla wayn. Qof qiimo sare leh waa qof aan dadka iska saraysiinin ee Tawaaduc badan.
9. Daacadnimo Ku Noolow – Noqo qof balanta oofiya. Daacadnimada iyo kalsoonida waxay kaa dhigaan mid markasta la xasuusto.
10. Caawi Dadka Kale – Isticmaal xirfadahaaga iyo kheyraadkaaga si aad dadka kale u caawiso. Qiimaha dhabta ah wuxuu ku jiraa inaad dadka kale kor u qaaddo intaad horumareyso.
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!