Xurgufta u dhaxaysa Itoobiya iyo Ereteriya ma isku beddeli kartaa dagaal

Tuesday March 04, 2025 - 06:00:00
hadhwanaagnews
Eritrea waxa ay sidoo kale tababar ugu yeertay muwaadiniinteeda ka tirsan



Xiriirka Itoobiya iyo Ereteriya ma aha sidii hore. Dib-u-heshiisiintii dunida ka yaabisay shan sano ka hor ayaa wiiqantay labadii sano ee la soo dhaafay, waxayna dhawaan labada dal bilaabeen inay si furan isku eedeeyaan.

 

Mas'uul hore oo ka tirsanaa dowladda Itoobiya Dr Mulatu Tashoma ayaa kashifay waxa ay labada dal ka sameynayaan dhanka Itoobiya, inkastoo markii dambe la sheegay in ay taasi tahay fikirkiisa gaarka ah.

 

Eritrea ayaa beenisay eedeymahaas iyada oo uu ka jawaabay wasiirkeeda warfaafinta, Yemana Gabramasqal.

 

Si kastaba ha ahaatee, falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in ay jiraan calaamado muujinaya in khilaafku uu soo dhawaaday.

 

Eritrea waxa ay sidoo kale tababar ugu yeertay muwaadiniinteeda ka tirsan ciidamada iyo kuwa kaydka ah ee dalkeeda.

 

Dhanka kale waxaa dhawaan magaalada Addis Ababa ka dhacay shir la sheegay in ay soo qaban qaabiyeen mucaaradka Eritrea oo ay ka soo qeyb galeen dad badan.

 

Waddamada reer galbeedka ayaa lagu soo waramayaa in ay walaac ka muujiyeen wadahadallo qarsoodi ah oo lala yeeshay saraakiisha kooxda TPLF ee ku sugan magaalada Asmara.

 

Waxa aan qormadan ku eegaynaa arimaha la xiriira 'Shirkii qarsoodiga ahaa ee Asmara', faragelinta suurta galka ah, waxyeelada iyo xogta ku saabsan kuwa u maleynaya in 'lagu diidanaa'Ethiopia"

 

Maxaa soconaya

Ka dib dagaal qaraar oo dhex maray Itoobiya iyo Ereteriya, muddo 20 sano ah ayay ku soo jireen iyagoo nabad ama col midna ahayn.

 

Ka dib markii uu xukunka qabsaday maamulka ra'iisul wasaare Abiy Axmed ka dib dibadbaxyadii shacabka, si kastaba ha ahaatee, xaaladdda ayaa mar qura is beddeshay.

 

Hogaamiyayaasha labada dal ayaa saxiixay dib u heshiisiintii caanka ka nqootay caalamka. Taas oo Keentay in Ra'iisul Wasaare Abiy Ahmed uu ku guuleysto abaalmarinta Nobel Prize.

 

Xiriirka wuu sii xoogaystay ilaa ay Eritrea is garab taagtay dawladda federaalka ee Itoobiya dagaalki Tigray iydaoo la dagaalantay ciidamada Tigrayga.

 

Si kastaba ha ahaatee, madaxda Eritrea ayaa la sheegay inaysan ku faraxsanayn qaabka ay ciidamada Itoobiya uga baxeen gobolka Tigray iyo heshiiskii xabbad-joojinta ee Pretoria.

 

Diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa hakisay duulimaadyadii ay ku tagi jirtay magaalada Asima, waxa hawada laga saaray adeegyadii telefoonnada ee labada dal, Eritrea waxa ay xulafo la sameysatay Masar iyo Soomaaliya iyo kuwo kale taas oo muujinaysa in xiriirka labada dal uu sii xumaanayo.

 

Ka dib, mas'uuliyiintu waxay si cad ugu eedeeyeen ra'iisul wasaare Abiy Axmed inuu mas'uul ka yahay xiriirka xumaaday ee labada dal.

 

Dhanka kale, mucaaradka Eritrea ayaa si bareer ah isu soo bax uga dhigay magaalada Addis Ababa, waxayna helayeen barnaamijyo warbaahineed.

 

Ma laga yaabaa in ay labada dal dagaallamaan

Way adag tahay in la ogaado waxa ka jira dhinaca labada dawladood iyada oo aan la falanqayn sababaha arrintan.

 

Mid ka mid ah aqoonyahanada u kuur galaysa waxa hadda dhacaya waxaa ka mid ah Mr. Baisa Waqwaya. Wuxuu ka mid yahay qareeno caalami ah, waxayna khibrad sannado badan u leeyihiin xallinta khilaafaadka ee Qaramada Midoobay.

 

Mudane Baisa ayaa aaminsan sidan "Uma maleynayo inay sax tahay in la qaato umad isjecel oo aan bilowno in loo dagaalamo waxa ay rabaan madaxda," ayuu yiri. Waxa ay oran lahayeen , dooni mayno dagaal, waxaanu doonaynaa in aanu nabad ku wada noolaano," ayuu yiri

 

C/raxmaan oo ah falanqeeye dhanka siyaasadda Koonfur Afrika ayaa sheegay inay jiraan arrimo muhiim ah oo dagaalka keenay, wuxuuna ku eedeeyay dowladda Itoobiya.

 

"Waxay dadka ku geli karaan wax kale iyaga oo ka hadlaya arrinta badda si ay uga badbaadaan dhibaatooyinka gudaha," ayuu yiri.

 

Looma maleynayo in Eritrea ay dagaal xiiseyneyso'

"Dhinaca dawladda Ereteriya waxay dareemayaan sidii uu u diiday ra'iisal wasaaraha [Abiy] sidii [maleeshiyada] Fano ee Gobolka Amxaarada.

 

"Waxay rumeysan yihiin inaysan jirin sabab uu xiriirku u wiiqmo. Hadda waxaa cadaatay in ay wiiqaan siyaasaddii ra'iisal wasaarihii hore ee TPLF, ka dibna ay wiiqaan Amxaarada iyo Ereteriya.

 

"Dhanka kale, uma maleynayo inay wax dan ah ka leeyihiin dagaal. Sababtoo ah Eritrea wax badan ayey ku waaysay intii uu socday dagaalka Tigray," ayuu yiri.

 

"Qiyaastaydu waxay tahay in ay ku waayeen 40,000 ama 50,000 oo askari. U malayn maayo inaad damac iyo karti u leedahay inaad dagaal kale gasho mustaqbalka dhow.

 

"Laakiin haddii ay sameeyaan, waxay la macno tahay in lagu qasbi karo," ayuu yiri.

 

Waa maxay danta jabhadda TPLF ee Tigrayga

 

Tigrayga, madaxda TPLF way kala qaybsan yihiin oo waa ay dagaalamayaan, isku dayo lagu heshiisiinayay ayaa ilaa hadda lagu guuleeysan.

 

Labada kooxood, kooxda uu hoggaamiyo Dr Dabratsiyoon ayaa lagu eedeeyay inay xiriir la leeyihiin Eritrea.

 

Wargeyska Africa Intelligence ayaa dhawaan qoray in saraakiisha ciidamada Tigray-gu ay u safreen magaalada Asmara oo halkaas ay ku yeesheen wada hadalo uu goob joog ka ahaa madaxweyne Isayas.

 

Kulankaas ayuu madaxweyne Isayas ku ballan qaaday in ay garab istaagi doonaan ciidamada Tigrayga haddii uu dagaal ka dhaco Itoobiya.

 

BBC-du ma hayso xaqiijin gaar ah oo arrintan ku saabsan. Kooxda uu hogaamiyo Dr Dabratsiyoon, ayaa taas diiday.

 

"Kooxda TPLF ee uu hogaamiyo Dr Dabratsiyoon waxay dareemayaan in la diiday oo awooda lagala wareegay," ayuu yiri.

 

Yaa faragelin kara?

Xiriirka Itoobiya ay la leedahay Ereteriya ayaa u muuqda mid is beddelaya, maadaama ay isku dayayaan in ay xalinayaan xiisadda kala dhaxeyso Soomaaliya.

 

Haddii xiriirka Eritrea iyo Itoobiya uu ka sii daro, yaa soo faragelin kara?

 

Mr. Baisa waxa uu sheegay in Turkiga uu ku lug lahaa markii Itoobiya iyo Soomaaliya ay xiisaddu ka dhex qaraxday, sababtoo ah "waxaa jira dhinacyo saddexaad oo dibadda ah oo arrintan ku lug leh.

 

Eritariya, si kastaba ha ahaatee, waxaa laga yaabaa in aysan sidaasi wax u dhicin.

 

"Haddii uu hadda dagaal dhexmari lahaa Itoobiya iyo Ereteriya, cid kale oo danaynaysa ma jirto. ... ma jiraan cid joojineyso sababtoo ah waa mid lagu jahwareeray. Laakiin dad uun baa ku dhiman doonaa," ayuu yiri.

 

"Boqolkiiba boqol waxaan aaminsanahay in haddii hadda la waydiiyo dadka Itoobiya iyo Eritrea, in ay boqolkiiba boqol oran lahaayeen ma rabno dagaal."

Bbc/somali

     
Loading...