Dagaalka Canshuuraha Kastamyada Oo Bilowday

Tuesday February 04, 2025 - 17:48:10
hadhwanaagnews
Waxase hubaal ah in maraykanku wadan kaste oo alaab
May be an image of 1 person and text that says 'ー DAGAALKA CASHUURAHA KASTAMYADA WAR ON TRADE TARIFFS'


Dunida waxa ka bilaabmay dagaalka cashuuraha kastamyada oo uu hormuud u yahay Maraykanku. Dagaalkani waa mid ka ka duwan kii qoriga iyo baaruuda, balse dhanka saameynta ku dhow.

Dagaalkii 2aad ee dunida waxyaabihii lagu xaliyey waxa ka mid ahaa in wadamadu dhexdooda kala ganacsadaan oo isku socodka ganacsiga ee wadamada dhexdooda la fududeeyo, halkii la iska leyn lahaa oo wadanba mid kale ugu duuli lahaa, si uu kheyraadkiisa u maamulo. Xalkaasi wuu shaqeeyey, oo weli dagaal la saameyn ah kii 2aad ma dhexmarin wadamada reer galbeedka.

Hada Maraykanku wuxu damacsanyahay inuu isagoon duulaan ciidan ku qaadin wadamada Panama, Canada iyo qeyb ka mid ah Denmark (Green Land) uu la wareego, hadii damaciisa ay diidana, duulaan cashuurta kastamyada ah uu la beegsanayo alaabaha ganacsi ee wadamadaasi maraykanka u soo dhoofiyaan, si suuqa Maraykan ee haystaan ugu dhex tartami waayaan, halkaana waxa ka faa'ideysan doona, wadamada kale ee waxsoosaar kuwaa la mid ah heysta, kuwaas oo suuqa Maraykan u iibgeyn doona alaabtaa.

Waxase hubaal ah in maraykanku wadan kaste oo alaab dalkiisa u dhoofiya aanu cashuuro saa'id ah saari karin, maadaama ay culeys aanay xamili karin ku noqon doonto dalkiisa iyo dadkiisaba. Waxayse u badantahay in mudo gaaban arin shaqeynaya uun ay tahay. Mudadaasise dhibaaato dhaqaale ayey u horseedi doontaa wadamada uu gaarka u bartilmaameedsado ee dhaqalahoodu ku tiirsanyahay alaabaha ay suuqyada maraykan u dhoofiyaan.

© Abdirahman Mohamed Ibrahim
Customs Administration Specialist
     
Loading...