Maxdaxweynaha Somaliland oo kulan la qaatay agaasimeyaasha guud

Monday February 03, 2025 - 16:03:03
hadhwanaagnews
Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro)..

May be an image of 15 people and text

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa kulan muhiim ah Qasriga Madaxtooyada kula qaatay Agaasimayaasha Guud ee Hay’adaha Dawladda, kuwaasoo uu Madaxweynuhu dhawaan u magacaabay xilal.

Kulankan oo uu Madaxweynuhu la qaatay Agaasimayaasha guud oo ay ka qaybgaleen dhammaanba Agaasimayaasha Guud ee magacaabani, ayey ujeeddadiisu ahayd sidii loo dul istaagi lahaa, hoostana looga xarriiqi lahaa hawlaha mudnaanta u leh Xukuumadda Wadajir iyo wax qabad

maaddaama oo ay Agaasimayaasha Guud Tiir-dhexaad u yihiin fulinta siyaasadda Xukuumadda ee la xidhiidha in bulshada Somaliland adeeg hufan.

Madaxweynaha waxa kulanka ku wehelinayey Wasiirrada Madaxtooyada iyo Diinta iyo Awqaafta.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo kulankaas ka hadlay ayaa sharraxay masuuliyadda iyo waajibaadka saaran Agaasimayaasha Guud iyo doorka lagama maarmaanka ah ee ay ku leeyihiin fulinta hawlaha mudnaanta u leh harumarinka Qaranka JSL, ayaa waxa uu yidhi: "Agaasimaha guud waxa uu ka masuul yahay fulinta siyaasadaha iyo qorshayaasha Xukuumadda

Wadajir iyo wax qabad Taasi waxa ay muujinaysaa culayska mas’uuliyadda idin saaran, waxa ay fure u tahay guusha ama guuldarrada ay xukuumaddu ka gaadhi karto, fulinta ballanqaadyadeeda iyo gaadhista yoolasha u dejisan.”

Madaxweynuhu waxa uu Agaasimayaasha Guud faraqa u sudhay dardaaran muhiim ah, waxana uu faray inay hubin joogta ah ku sameeyaan shaqada Wasaaradahooda iyo Hay’adahooda ka socotaa inay waafaqsan tahay qorshihii, siyaasaddii iyo ballanqaadyadii ay Xukuumadda haatan talada haysaa ay ku gashay xilligii Ololaha Doorashooyinka, waxana uu yidhi:

" Waa in Agaasimuhu uu si xilkasnimo leh oo buuxda u qaato mas’uuliyadda shaqo ee saaran. Xilka la idiin igmaday maaha shaqo maalmeedka wasaaradda oo keliya. Balse waxaa ka mid ah inaad hubisaan in waxqabadka iyo adeegga ay Wasaaraddu bixisaa uu waafaqsan yahay siyaasaddii iyo qorshihi Xukuumadda.”

Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxa uu Agaasimayaasha Guud faray inay la jaanqaadaanisbedbeddelka xawaaraha ku socda ee dunida ka socda fahamkoodana kobciyaan, waxana uu yidhi: "Si ay shaqada u fududaato, waa in aynnu la jaan-qaadno dunidan isbeddelkeedu xawaaraha ku socdo, waa in Agaasimuhu noqdaa shakhsi curin leh oo si joogto ah u sii kobciyaa hannaanka casriga ah ee shaqada.”

Ugu dambayntii, Madaxweynuhu waxa uu xusay inuu si dhaw ula socon doono shaqooyinka ka socda Wasaaraha kala duwan ee ay Agaasimayaashu masuulka ka yihiin, shaqadooduna nodon doonto mid xisaabtan leh, waxana uu yidhi: "Aniguna Madaxweyne ahaan waxa aan si dhow ula socon doonnaa horusocodka shaqada wasaarad kasta, taas ayaana la idinkula xisaabtami doonaa.”

Dhinaca kale, kulanka uu Madaxweynuhu la qaatay Agaasimayaasha Guud waxa hadallo nuxur leh ka soo jeediyey Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyada iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha oo isagu ah Guddoomiyaha Agaasimayaasha Guud


     
Loading...