Maxay reer Somaliland u jeclaadeen Trump?

Friday January 17, 2025 - 14:24:10
Hadhwanaag
"Donald waa badbaadiyahayaga. Waa nin caqli badan oo la isku...



Dad badan oo reer Somaliland ah ayaa rumaysan in Maraykanka, marka uu muddo xileedkiisa cusub la wareego Donald Trump, uu noqon doono dalkii u horreeyey ee u aqoonsada dal ahaan Somaliland.

 

Somaliland ayaa ku dhawaaqay madaxbannaanideeda 33 sano ka hor ka dib markii Soomaaliya ay ku burburtay dagaal sokeeye – tan iyo markaasna, siyaabo badan, waxa ay ahaayeen sidii waddan madax-bannaan

 

"Donald waa badbaadiyahayaga. Waa nin caqli badan oo la isku hallayn karo. Ilaahay ha barakeeyo Mareykanka," ayay tidhi Caasha Ismaaciil oo ah ardayad jaamacadeed, aadna u faraxsanayd markii ay ka warramaysay waxa ay naawilayaan.

 

Waxay igala hadlaysaa iyada oo ku sugan Hargeysa, caasimadda Somaliland – magaalo u jirta 850 kiilomitir (530 mayl) waqooyina ka xigta Muqdisho, oo ah xarunta dowladda Soomaaliya.

 

Dadka ku sugan Muqdisho, Somaliland waxa ay u tahay qayb aan ka go'i karin oo ka mid ah Soomaaliya.

 

"Waxaa shaki ku jiraa in Donald Trump uu og yahay waxa Somaliland tahay, iska daa inuu garanayo meesha ay ku taallo e," ayuu yidhi Cabdi Maxamuud, oo ah falanqeeye dhanka xogta ah oo ku sugan Muqdisho, xilli uu aad u cadhaysnaa

 

"Waan xanaaqsanahay," ayuu sii raaciyay, isagoo ka cadhaysan rejada weyn ee ay qabto Caasha Ismaaciil, taas oo aan ahayn riyo aan suurtagalnimadeedu adkayn, ugu yaraan marka loo eego mustaqbalka fog.

 

Xubno awood leh oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, oo uu ka mid yahay Xubinta Koonagareeska ee Scott Perry, ayaa sida oo kale u ololeynaya arrintan, iyada oo bishii hore uu soo bandhigay xeer soo jeedinaya in Mareykanku si rasmi ah u aqoonsado Somaliland.

 

Arrintan ayaa daba socotay buug qorsheed-kii soo baxay bishii Abriil 2023 loona bixiyey Qorshaha 2025, oo ah khariidad cusub oo loogu talagalay madaxweynenimada marka labaad ee Trump, taas oo ay diyaariyeen hay'adda caanka ah ee garabka midig ee Heritage Foundation iyo in ka badan 100 hay'adood oo kale oo conservative-ka ah.

 

Dukumentigan waxaa qaybta lagaga hadlayo Afrikada saxaraha ka hoosaysa lagu xusay laba deegaan oo keliya – Somaliland iyo Jabuuti – waxaana lagu soo jeediyey "in la aqoonsado madax-bannaanida Somaliland si looga hortago hoos u dhaca booskii Mareykanka ee Jabuuti".

Si kastaba ha ahaatee, xaqiiqda ah in Afrikada ka hooseysa Saxaraha ay ku leedahay wax ka yar laba bog oo ka mid ah qorshahan ka kooban 900 oo bog ayaa muujinaysa in qaaraddu ay dhanka mudnaanta ku jirto liiska ugu hooseeya.

 

Sidoo kale, ma jirto damaanad ah in xukuumadda soo socota ay raaci doonto qorshahan, oo qaarkood Trump uu horeyba u diiday.

 

Laakiin hal arrin ayaa cad: Mareykanka wuxuu durba bilaabay inuu beddelo mowqifkiisa ku aaddan Somaliland, isagoo ka sii fogaaday aragtida Muqdisho ku wajahan ee loo yaqaan siyaasadda ku dhisan ' Soomaaliya hal waddo ah'.

 

Tan iyo sagaashamaadkii, Maraykanka waxa Soomaaliya kaga baxayey dhaqaale laxaad leh, agab, iyo dad ba.

 

Taageeradaa dawlad ayaana daba socotay markii meydadka 18 askari oo Mareykan ah la jiid jiiday waddooyinka Muqdisho ka dib markii diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Mareykanka ay soo rideen malleeshiyaad qabiil oo Soomaali ahi.

 

Dagaalkaas, oo loo yaqaan "Black Hawk Down," wuxuu ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee Mareykanka ka soo gaadha dagaal tan iyo dagaalkii Vietnam.

 

"Tallaabo kasta oo ku aaddan aqoonsiga madaxbannaanida Somaliland keliya kama hor imanayso madaxbannaanida Soomaliya ee waa caqabad hor leh oo gobolka ah," ayuu yidhi Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar.

 

Midowga Afrika iyo awoodaha kale ee caalamka waxay aaminsan yihiin in xuduud dhuleedku yahay lama-taabtaan. Aqoonsiga Somaliland ayaana horseedi kara silsilad jawaab-celin ah oo dadka gooni u goosadka ah ee dunida oo dhan ay dalbadaan aqoonsi dhuleed.

 

Cumar wuxuu sidoo kale muujiyay walaacyo ku saabsan suurtagalnimada in xukuumadda Trump ee cusub ay ku dhaqaaqdo go'aan la mid ah tii hore ee la bixidda inta badan ciidammada Mareykanka ee Soomaaliya, kuwaas oo la dagaallamayay kooxda al-Shabaab – oo si joogto ah loogu tilmaamo kooxaha xidhiidhka la leh al-Qaacida kuwa ugu guulaha badan.

 

Xilligan Joe Biden madaxweyne yahay, qiyaastii 500 oo askari Mareykan ah ayaa ku sugan Soomaaliya – iyagoo fuliya howlgallo gaar ah iyo tababaridda ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya, Danab, kuwaas oo dhawr jeer muujiyey in ay ka waxtar badan yihiin ciidanka caadiga ah ee Soomaaliya marka loo eego la dagaallaankooda Al-Shabaab.

 

Mareykanku wuxuu saldhig ciidan ku leeyahay Ballidoogle, waqooyi-galbeed Muqdisho, waxayna si joogto ah u fuliyaan duqeymo cirka ah oo ka dhan ah fallaagadan Islaamiyiinta ah.

 

"Ka bixitaanku wuxuu abuuri doonaa firaaq weyn oo amni, isagoo dhiirrigelinaya in kooxaha argagixisada ah ay halis geliyaan xasilloonida Soomaaliya iyo sida oo kale guud ahaan Geeska Afrika," ayuu Cumar ka digay.

 

Erayada wasiirku waxay la mid yihiin kuwa Soomaaliya kaga jawaabtay heshiiskii dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya, kaas oo lagu sheegay in aqoonsi la siin doono haddii ay bixiyaan marin badeed.

 

Dad ayaa iga soo wacay habeekii heshiiskaasi soo baxay ku nool Soomaaliya oo sheegay inay seexan kari waayeen sababo la xidhiidha, heshiiskaas muranka leh.

 

Wasiirkii Deegaanka ee xilligaas ee Soomaaliya, Aden Ibrahim Aw Hirsi, ayaa igu yidhi waqtigaas: "Mar walba waxaad baahisaa warar 'bombooyin siyaasadeed' ah warbixinahaaga"

 

"Halkan waa Muqdisho e dadku waxa ay aad uga hadlayaan xaalad dhulgariir siyaasadeed. Ah"

 

Tan iyo markaas, Turkiga ayaa dhex-dhexaadin ka sameeyay xallinta khilaafkaas.

 

Halka dhan kale ay Soomaaliya dhawaan saxiixday heshiis $600,000 (492,000 ginni) sanadkii ah oo ay la galeen shirkadda galaangalka ka shaqaysa ee Washington ee BGR Group, kaas oo muujinaysa in ay ka walwalsan yihiin xidhiidh dhex mara maamulka Trump ee soo socda iyo Somaliland.

 

Mareykanku wuxuu bishii hore ka aamusey codbixinta go'aanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee ku saabsanaa maalgelinta qorshihii u danbeeyey ee faragelinta Midowga Afrika ee Soomaaliya.

 

Mid ka mid ah naqshadeeyayaasha muhiimka ah ee fikirka Afrika ee xisbiga Jamhuuriga, gaar ahaan marka la eego arrimaha Soomaaliya, waa Joshua Meservey, oo dhawaan ka tegay Heritage Foundation una wareegay Hudson Institute oo garabka midig ku jihaysan.

 

"Kiiska Somaliland ee Mareykanka waa mid aad u xoogan," ayuu ku doodayaa.

 

"Waxaan u maleynayaa in su'aasha aqoonsiga si dhab ah loo wada hadli doono, in kastoo xiddigta waqooyigu marka meelo badan laga eego ay tahay meel u fiican danta Maraykanka."

 

Sida Jamhuuriyaal badan oo Mareykan ah, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland Abdirahman Dahir Adan ayaa xidhiidhkan u arka mid faa'iido leh.

"Haddii heshiisku noo fiican yahay, waan qaadaneynaa. Haddii Mareykanku ka rabo saldhig milateri halkan, waan siinaynaa," ayuu yidhi.

 

Dadka u ololeeya aqoonsiga Somaliland waxay ku doodayaan in Somaliland ay ku taallo goob muhiim ah oo kulmisay danaha Mareykanka ee dhinacyada dhaqaale, milateri iyo istiraatijiyadeed.

 

Joshua Meservey wuxuu intaa ku darayaa in gobolkaas la "abaal-mariyo" maadaama uu ku dhagan yahay mabaadi'da dimoqraadiyadda, uusan ku tiirsanayn gargaarka shisheeye, islamarkaana uu leeyahay dowlad yar oo koraysa.

 

Xeebta dheer ee Somaliland waxay ku dheggan tahay mid ka mid ah marin-biyoodyada ugu mashquulka badan caalamka. Inkastoo fallaagada Xuutiyiinta ee Yemen oo ay taageeraan Iran ay hadda beddeleen budjcad-badeedka Soomaaliyeed oo ahaa caqabad weyn oo saameyn ku leh ganacsiga caalamiga ah, haddana weeraradu waxay sii kordhinayaan xiisadda gobolka ee ku dhow dagaalka Bariga Dhexe.

 

Loolanka saldhigyada shisheeye ee xeebaha Geeska Afrika wuxuu welwel ku hayaa Mareykanka, kaas oo 2002 ka aasaasay saldhiggiisa ugu weyn ee qaaradda Afrika, dalka Djibouti.

 

Ruushka ayaa isha ku haya dekedda Port Sudan; Isu-tagga Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa isticmaalay saldhigga Eritrea ee Assab si uu ula dagaallamo Xuutiyiinta, halka Djibouti ay buux dhaafieen xoogag shisheeye, oo ay ku jiraan Shiinaha, kuwaas oo aan kaliya haysan saldhig milatari oo muhiim ah, balse sidoo kale maamula deked weyn.

 

Saldhigga ugu weyn ee Turkigu ku leeyahay dal shisheeye wuxuu ku fidsan yahay xeebta Soomaaliya, koonfurta Muqdisho.

 

Xiisadda Mareykanka ee la xdhiidha kor u kaca Shiinaha ayaa Trump ka dhigaysa inuu xoogga saaro gobolka. Mareykanka wuxuu Shiinaha ku eedeeyay inuu faragelin ku sameeyay howlahooda Djibouti, isagoo xitaa shucaaca laser-ka ku beegsaday indhaha duuliyeyaashiisa.

 

Dekedda Berbera ee Badda Cas, haddii lagu arko inay qayb ka tahay Somaliland ama Soomaaliya, waxay bixisaa beddel weyn.

 

Somaliland waxa 2020 la samaysay xidhiidh Taiwan, taas oo Shiinaha ka cadhaysiisay.

 

Imaraadka Carabta, oo ah xulufada muhiimka ah ee Mareykanka, ayaa maamula dekedda dhawaan la ballaadhiyay ee Berbera, iyaga oo rajeynaya inay Djibouti kula tartamaan.

 

Intii lagu jiray maamulka Biden, saraakiil Mareykan ah oo uu ku jiro taliyaha Africom, ayaa booqday Berbera, oo leh jidad diyaarad ah oo 4km ah, kuwaasoo markii hore ay dhistay Midowgii Soofiyeeti intii lagu jiray Dagaalkii Qaboobaa.

 

Sannadkii 2022, sharci loo yaqaan National Defence Authorisation Act ayaa wax laga beddelay si Somaliland loogu daro, taas oo xoojisay wada-shaqeynta amniga isla markaana abuurtay waddo loo maro xidhiidho diblomaasiyadeed iyo dhaqaale oo xooggan.

 

Jamhuuriga taageersan aqoonsiga Somaliland waxay rabaan in ay usoo bandhigaan kiiskan sidii fursad ganacsi, iyagoo rajeynaya inay ka faa'iideystaan habka Trump uu uga helo heshiisyada noocan ah.

 

Diblomaasi Somaliland u dhashay oo ku sugan Mareykanka ayaa sheegay:

 

"In ay ku xidhan tahay sida ay ugu gadaab isaga. Waa inay ka dhigaan mid soo jiidasho leh; waa inay isku dayaan inay qanciyaan."

 

Geeska Afrika waa inuu is diyaariyo isbeddel xooggan oo ku iman kara.

bbc/somali

     
Loading...