Qoraal ay dawladda Shiinaha soo saartay ayaa lagu sheegay in markabkii kalluumaysiga ee Shiinaha laga lahaa, gacantana ugu jiray burcad badeed Soomaali ah la soo badbaadiyey.
Qoraal ay soo saartay safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa lagu yiri "dhawaan, markab kalluumaysi oo Shiinaha laga leeyahay ayaa waxaa si sharci darro ah gacanta ugu hayey koox hubaysan meel ka baxsan xeebaha Puntland, Soomaaliya. Dadaalka aan kala joogsiga lahayn ee xukuumadda Shiinaha ayaa suurto galiyey in markabka iyo shaqaalihii saarnaa ayagoo bedqaba la soo badbaadiyey 13 Janaayo".
Waxaa kaloo qoraalka lagu sheegay in Shiinuhu uu si adag u cambaareynayo afduubka markabka oo khatar galiyey "bedqabka shaqaalaha iy amniga socdaalka badda ee caalamka".
Wuxuu kaloo qoraalku intaa ku daray in Shiinuhu uu sii wadi doono ilaalinta "xuquuqda muwaadiniinta iyo hay'adaha Shiinaha", ayna la shaqayn doonaan dhinacyada ay khusayso sidii loo xaqiijin lahaa amniga maritaanka badaha caalamka.
Warar madax banaan ayaa sheegaya in markabka iyo shaqaalihii saarnaa ay ku sii jeedaan biyo amnigoodu roon yahay.
Inkastoo aan faahfaahin laga bixin sida lagu soo furtay markabka ayaa haddana dhanka kale waxaa jira Warar sheegaya in hawlgalka la dagaallanka burcad badeedda ee midowga Yurub ee Atalanta, gaar ahaan raxanta maraakiibta Spain ee Santa Maria ay ku lug lahaayeen soo furashada markabka,ayagoo xiriir joogto ah la samaynayey maamullada Soomaaliya iyo Shiinaha iyo sidoo kale ergada midowga Yurub ee Soomaaliya.
Hawlgalka Midowga Yurub, maamulka Puntland iyo dawladda Soomaaliya midkoodna kama hadlin soo furashada markabkan.
Warka ku saabsan afduubka markabkan ayaa soo baxay horraanta bishii December, xilli aad loo hadal hayo in ay soo laba kacleeyeen burcad-badeedda ka qaraabata biyaha Soomaaliya.
Haddaba maxaa keenay dib u soo laba-kaclaynta burcad badeedda e xeebaha Soomaaliya, maxaase laga qaban karaa? Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi Yare) waa taliyihii hore ee sirdoonka Puntland wuxuuna qabaa in duruufaha hadda jira ay qayb ka yihiin dib u soo noqoshada burcad badeedda.
"Dalka ma laha fursado badan oo dhaqaale, taasna waxay keenaysaa in dhallinyaradu ka fekeraan qaabab kale oo dhaqaale xumada iyo shaqo la'aanta ay kaga gudbaan. Qayb ahaan, arrintaas waxay keenaysaa in aynolol raadiyaan, kana raadiyaan badda. Caqabadaha ay la kulmaan waxaa ka mid ah kalluumaysiga sharci darrada ah iyo qaar laysan kalluumaysi la siiyo oo hubin iyo koontarool badan lahayn, kuwaasoo badda aad ugu jira" ayuu yiri Cabdi Yare.
Puntland ayaa saraakiil ka tirsan waxay hore u sheegeen in aysan dhiirri gelinayn in madax furasho la dhiibo, ayagoo doonaya in talaabo amni ay ka qaadaan. Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in milateriga Shiinaha ee fariisinkoodu yahay Jabuuti ay isha ku hayaan markabkan la haysto.
Cabdi Yare ayaa Xalka u arka in dhowr qodob la sameeyo si looga baaqsado in ay xoog u soo laba kacleeyaan hawlgallada burcad badeedda.
"Waxaa muhiim ah in la hawl galiyo hay'adihii ku shaqada lahaa ilaalinta badaha, kuwaasoo maraakiibta ajnabiga ah ka ilaalinaya inaysan ku xadgudbin sharciga waddanta u yaalla iyo hantidiisa".
Wuxuu intaa ku daray Cabdi yare in hay'adahaas loo baahan yahay in ay maraakiibta ka ilaaliyaan burcadbadeedda, halka uu qodobka 3aadna ku tilmaamay in dhallinyarada loo sameeyo barnaamijyo shaqo abuur ah.