Waayaha Wakhtigan Iyo Waxa Socdda ( Abdi-Shotaly).

Sunday January 05, 2025 - 14:54:22
Hadhwanaag
* N.B Runtu Waa Gaajo ee Beenta Barta Waa Lagu Ceeshaaye!

Somalidu wax walba horey u sii sheegtay iyadda oo murti-yeysan, waxana ay tidhi " Dadka madaxa ku socdaa, baa la yaaba, kuwa lugaha ku soconaya", Akbristaw aniga baa la yaabi jirey, oo dhan jirey markaan yaraa, sidee baa madaxa loogu socon karaa? Shaw waxa aanan garanayn ujeedadda laga leeyahay, ee haduun baan fahmay, dulucdda lagu qarinaayo, oo markaan soo koobo micnaha-heedu yahay "Iinta waalan baa inta miyirka qabta la yaaban".

Odhaah baa ahayd somalidu " Been ma maah-maahdo ee been bay sheeh-taaye, adhina been ma dhitiyo, ee been buu didaa" Wixii-ba xaqiiq bay noqdeen oo gunta la soo taabtay, arimahan aan idiin soo dul maray bal in aan laaxin laga jarayn, oo ay sax yihiin halka hoose ka akhri, waana kuwane ku soo dhawaw:-

Waa " Waayaha wakhtiga iyo waxa socdee" Iga qabo siday wax yihiin. Ugu horeyn-ba " Waalidda baa la qaataa, ee taladda lama qaato" af buuxa waxa lagugu odhanayaa, waar hadal ha noo wadine maxaad haysaa? Munaafaqadda bay ka taliyaan, oo kitaabkii wax ku cuni waaye Iimaamddii, macalin quraankii, wadaadaddii, kuligood way kutubo-xooreen, sidda iimaamkii " Jano-ka-bood" ( Samaale), macali-miintii Quraanku, sidda " Xaliye" ( Xinif) oo burco gobobka ina Igare malcaamad ku haystay, ka la yidhaa " Hadal baa I haya" ( Bukhaari) Isana Ceel-Af-Weyn ku haystay. Kitaab-yare ( Albaani), Faataxa-yare ( Waa kii lahaa kii Ilaahay caabudayaw Askariga u fooda), mujaahidiintii runta ahayd ee dalka xoreeyey sidda ( Dhega-Weyne, Ina Mire) Cid wax ma waydiiso, ee kuwii SNM kala qaybinta u dhex joogay, meel ay xabad ka tideen aan lahayn ee " Raggii ma adigaa ka hadhay, Geenyo shaaximan, cabdilaahi dhegoole" Baa ka durbaan Tuma Hargeysa".

Kuwii reeraha loo adeegsan jirey ee " Digsi-Xagato " sidda Bakhti-Dhego-Weyn, ina murjin-madoobe, Abriska Cawil, kuwo caano boodhle isku shubay sidda shaydaan habaar, Sabeeye ( Sabeyste), Denbi madaw ( Bad-madaw) Baa Taliya, kuwaas colaada abuurka, isku dirka, naxliga, reer nacaybka ku ceesha, cid dooratay-na ayna jirin ee ah " Jini-Boqor". Madax-dhaqmeedkii runta ahaa waxa la yidhi wax-ba ma oga, sidda Suldaan Xasan iyo inta raacsan, madax-dhaqmeedka Iyo Gudiddii HJ oo lagu sheegay " Koofiyad-BaclayaaL" la yidhina waa la idin xidhayaa. Ugaaskii Arab, suldaan Bare, Suldaan Daakir, Boqor Axmed Iimaan, kuwa Ayuub iyo Tol-jeclo, Garaadaddii Harti, waxa-na lagu yidhi nabad ma rabno ee nagala taga, wax laguma cuno'e. Run sheeg waa bello sheeg, beentii ayaa xumaantii baa ka dheeraysay, waayo wax ay ku taraysaa ama aad ku faa'iidaysaa ma jirto, waxay yidhaaheen " Runtu Waa Gaajo Ee Beenta Barta Waa Lagu Ceeshaaye" Bal idin-kuba u fiirsadda wax dhacaya. Wax la yaab leh mid reer hebel hoosta ku haysta, baa raba in uu kaaga hoos baxa S/Land kugu khiyaameeyo, oo ku yidhaaho ha inaga dumin, wuxu rabaa in aad ugu sacab tunto ka uu kursiga ku ilaali-naayo ee beeshiisa ah, markaas dee anba reer baan ahaye igala tag ka aad wadato. Markaad ku tidhaaho, wuxu odhanayaa reer hebel baad neceb-tahay.

Waxa la yidhi " Riyaha qaawan baa idaha ku qosla' Waxan uga socdaa, xumaantii baa laga jecel yahay wanaaggiii. Ruuxii naxariista laha, waxa la yidhi waa mid la baadhan karo, qabliis-tihii waa qaran doon, kii qaran doonka ahaana waxa lagu sheegay qaran dumis, huwan, cadawga gudaha, somaliya buu u socdaa iyo wax la mid ah, waayo lama rabo waaqiciga jira,, ee wax la doonayaa in ummadda lagaa hor keeno oo runta ogaan, waayo kaas daacadda ah wax-ba laga cuni maayo..Tuuggii wuxuu noqday qof cad-kiisa dhacsa-naaya, xalaal cunkii waxa la yidhi " Isaggii baa bakhti-yaayee maxuu ku tari" Waa xaaraan uun waxa la soo taagan yahaye" ee Beer-baaryey kuu kala goyn maayo ee ka durka kuwa xaq iyo xalaal ka hadlaaya.

* N.B Runtu Waa Gaajo ee Beenta Barta Waa Lagu Ceeshaaye!

Qore: - Abdi-Shotaly.
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...