Hoggaaminta beesha Habaryoonis halloo Kitaab-furo Q.4aad

Saturday January 04, 2025 - 20:09:22
Hadhwanaagtv
2. In xulashada hoggaaminta Habaryoonis aad looga fiirsado




Iyadoo aan qaybihii hore ee waxgaradka habaryoonis soo jeedimahooda iyo talooyinka ay gudo iyo dibadba is tuseen aan kusoo qaadanney waxaa kaloo aad wax la isaga wayddiiyey:

 

 

 

1. In la helo cid ku habboon qarniga 21aad beesha faca-weyn ee degsiimooyinka badan ku fidsan hoggaamintooda

 

 

2. In xulashada hoggaaminta Habaryoonis aad looga fiirsado

 

3. In reerka loo cuganayo in loo daba-fadhiisanayo talada cusub ee habaryoonis aanu yeelan sifooyinkii reerka hadda talada ku magacaaban lagu diiddanyahay dhaqankooda aanu yeelan sida:

 

A. In madaxda hoggaamintu go-aamadda siyaasiga ah iyo masiiriga ah ee beesha ka dhigaan kuwo meeshii manfac shakhsi ahi kasoo gelayo ay la aadaan

 

B. In hoggaaminta Beeshu aanay u baahneyn reer dhan oo wada cimaamad sita oo haddana jeebkoodu madhanyahay (Nin baahani GOB ma aha)

 

C. In talada Beesha Habaryoonis aaney gacanta u gelin reer boql caaqil-dhaqameed oo is dhinacyaacaya oo mid waliba afka beesha ku hadlo markuu doono.

 

D. Nin dadkiisu aanay mideysnayn oo aaney is maqlayn wada cimaamadna sitaan waxaa tusaale inoogu ah , beesha Reer Guuleed Suldaan oo ee cuqaashoodii miyiga inta QAAD laga dhergiyey Mustafe Cagjar shir ugu qabtey Awaare 2 January 2025 si uu arrinka DACAWALAYeeddiisa isaga denbebeso taa tusaale u ah Qof baahan oo aan aqoon uu isku difaaco lahayn oo cid waliba waxay rabto ka saxeexanayso.

 

La soco---

 

 

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...