Sida aynu ognahay waxaa aynu ku jirnaa qarnigii 21aad, qarnigii ilbaxnimada, aqoonta iyo technolojiyaddu ay ku socoto xawli sare.
Waa qarni aaney meeli uga bannaanayn hab nololeedkii hore ee soo jireenka ahaa, waana qarni u baahan dadkiisa iyo aqoontiisa.
Waxaa aynu ognahay in dadkii reer Somaliland manta ay noqdeen dad ay hagayso nolosha magaalo oo dhaqankii baadiyaha uu sii yaraanyo raadkiisu.
Bal markaynu eegno habkii dhaqanka ee beelaha Somaliland ee ku tiirsanaa odayada iyo geedka ee aynu is nidhaahno ku lifaaqa hab-nololeedka qarnigan 21aad waxaa inoo muuqanaya isdiidooyin iyo isla fal gelid la,aan u baahan in dhinac kale looga wareego.
Waxaa maanta mawduucan aan ku lafo guri doonaa Habkii dhaqan dhaqaale ee talada Beesha Garxajis weliba Beesha Habaryoonis oo dhib weyn oo muddo soo jiitamayey oo loo samrayey ka jiro.
Beeshaas Habaryoonis iyadoo wax badan la wadaagta beelaha kale ee Isaaq iyo walaalkooda Ciidagale, haddana waxaa haysta duruufo u gaar ah oo aan u baahnayn in aan wixii hadda ka danbeeya loosii dulqaadan Karin iney sidey hadda yihiin usii socdaan.
Arrinkani waa habka hoggaaminta iyo talada oo muddo badan ku urursanayd beel aan la jaanqaadi Karin isbeddelka dhaqan-dhaqaale ee qarniga 21aad la yimi ee aynu hore ugasoo hadalney.
La soco ....
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!