Taliyaha Ciidanka qaranka Somaliland Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani ayaa sheegay in dalka ku dhisan yahay Ciidanka qaranka Somaliland.
Nuux Ismaaciil Taani oo hadal ka jeediyay Munaasibad ay xilka kula kala wareegayeen Wasiirka cusub ee Wasaaaada Gaashaandhiga Maxamed Yuusuf Cali Iyo Wasiirkii hore ee Wasaaaada Gaashaandhiga Rooble Muuse Cabdi ayaa tilmaamay in Wasaaradda gaashaandhigu ay tahay ta ugu xooga wayn qaranka,madaamada Ciidanka qaranku hoos yimaada.
Waxaana uu yidhi”Wasaarada Gaashaandhigu waa Wasaarad ballaadhan Wasiir Wasaarad dhisan ayaad u timid,waxaan rejaynayaa in aan isfahmi doono Wasiirka oo si daacadnimo ah aan kuula shaqayno.wasaaraddu diciif maaha waa wasaarada ugu xooga wayn qaranka,waayo ciidanka qaranka ayaa hoos yimaada waxa dalka ku dhisan yahayna waa Ciidanka qaranka,”.