Waan la yaabaa markastoon arko —sanadadii u dambeeyey
Mayorada iyo golleyaasha deegaanka dalku: masuuliyadaha ay u xilsaaranyihiin, waajibaadyada la faray, iyo habka iyo hanaanka ay tahay in loola xisaabtamo waxa qeexay xeer 23/2019.
Sidaa markay tahay, xaq looguma laha hanaan iyo habab aan xeerku waaajibin oo isla xisaabtan in laga doono. —Wixii damiirku (morality) ina farayo waa halkeeda, waxase shaqada aynu u dooranay ka asal ah, waxa xeer 23/2019 jideeyey.
Waan la yaabaa markastoon arko —sanadadii u dambeeyey— xildhibaano saxaafadda la soo taagan Mayor hebel isla xisaabtan loo dhanyahay baa laga rabaa. Hadduu arinkaasi ka dhabyahay, oo ay rabaan isla xisaabtan ban-yaal ah oo bulshadu u dhantahay, kaliya may u olaleeyaan, qeybna ka noqdaan in wax-ka-bedel iyo kaabis lagu sameeyo xeer 23/2019. Dabadeedna dib loo qeexo hanaanka doorasho, masuuliyaddaha shaqo iyo habka loola xisaabtamayo gollayaasha deegaanka iyo maayarada. Maxay sidii qof shicib ah oo aan laheyn awooda ay leeyihiin oo kale telefishanada dhaliisha uga dhurayaan, iyagoon xataa xalka raacineyn.
Xeer 23/2019 wuxu u dhisanyahay hab duug ah, Dawladdaha Hoose ee dalkuna waxay u baahanyihiin awood maamul iyo dakhli oo dheeri ah in la siiyo, taasi oo horseedi doonta maamul daadejin dhab ah oo dawladda dhexe ka timaada iyo mid iyaga ka tagta oo magaalooyinkooda hoos u gaadha.
Abdirahman Mohamed Ibrahim