Maxaa hadda ka dhacaya caasimadda Suuriya ee Dimishiq xageese u cararay Bashaar Al-Asad?

Sunday December 08, 2024 - 11:02:04
hadhwanaagtv
Waxaa soo baxaya warar sheegaya in dagaal uu ka socdo magaalada Dimishiq, ...



Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa laba sarkaal oo sare oo Suuriyaan ah ayaa waxa ay sheegtay in madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-asad uu diyaarad ka raacay magaalada Dimishiq isla markaana aan weli la garaneyn halka uu u amba baxay.

 

Kormeeraha dagaalka SOHR ayaa sidoo kale sheegay in diyaarad gaar ah oo ka baxday garoonka Dimishiq ay u badan tahay in ay sido Assad. Ciidamada dowladda ee ku sugnaa garoonka ayaa la sheegay in laga saaray markii uu madaxweynuhu dhoofay.

 

Arrintan ayaa ku soo beegantay iyadoo xoogaga fallaagada ay sheegeen inay bilaabeen inay gudaha u galaan caasimadda Suuriya.

 

Mucaaradka ayaa lagu soo warramayaa in ay ka sii daayeen xabsiga caanka ah ee Saydnaya, oo ah xabsi ay Qaramada Midoobay mar ku tilmaantay "kawaan dadka lagu gowraco", halkaasoo la sheegay in kumannaan taageerayaasha mucaaradka ah jirdil iyo dil loogu geystay.

 

Kooxda mucaaradka ah ee HTS ayaa Telegram-ka ku shaacisay in maxaabiista la sii daayay, iyagoo ku tilmaamay "Dhammaadka waagii caddaalad darrada" ee Saydnaya. Muuqaalo aan la xaqiijin oo ku wareegaya baraha bulshada ayaa u muuqda inay muujinayaan dadka ka sii qulqulaya gudaha xabsiga.

 

Ururka ay ku mideysan yihiin maxaabiista iyo kuwa lagu la'yahay xabsiga Sadnaya ayaa sheegay in maxaabiista la sii daayay ay ku sii jeedeen magaalada Manin oo ku dhow magaalada Dimishiq.

 

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in dagaal uu ka socdo magaalada Dimishiq, kaasi oo la sheegay in ay ku hareereysan yihiin ciidamo gadoodsan.

 

Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa CNN u sheegay in dagaalyahano ka tirsan fallaagada ay ku sugan yihiin xaafadda Barzeh, wuxuuna sheegay in iska hor imaad uu ka dhacay.

 

"Korantadii waa ay go'day, internet-kuna aad buu u liitaa, dadku waxay iska joogaan guryahooda," ayuu yiri qofkaasi.

 

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in ay la hadashay laba qof, kuwaas oo ka soo warramey dhawaqa rasaasta oo aad u xooggan – inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn halka ay arrintani ka timid.

 

Qiyaastii laba saacadood ka hor fallaagada kooxda Islaamiga ah ee HTS waxay sheegeen inay si buuxda ula wareegeen magaalada Homs ee waqooyiga Dimishiq. Horaantii waxay sheegeen in fallaagada ay bilaabeen inay hareereeyaan caasimadda.

 

HTS ayaa weerarkeeda bilowday toddobaad iyo bar ka hor waxayna la wareegeen dhowr magaalo oo waaweyn tan iyo markaas.

 

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegtay in ay samaynayso difaac bir ah oo ku wareegsan caasimadda. Balse ciidamada dowladda ayaa si gaar ah ugu guuldareystay inay wax difaac ah ka sameeyaan magaalooyinka, magaalooyin iyo tuulooyin ayaa gacanta u galay kooxaha fallaagada ah kuwaas oo ku yaalla dalka oo dhan.

 

Suuriya ayaa weli ah dal kala qaybsan, iyada oo aan laga bogsan nabarradii qotada dheeraa ee sannadihii dagaallada sokeeye, inkastoo ay muuqato ismari-waaga iyo xaaladda taagan ee jirta muddo sanado ah.

 

Maqaamkii Bashaar Al-Asad u uku dhex lahaa hoggaamiye yaasha kale ee carabta ayaa soo afjarmay, laakiin wax horumar ah lagama samayn gudaha Suuriya oo ku aaddan dhisidda mustaqbal wax ku ool ah oo ay dadkeeda u yeelato dagaalka kadib.

 

Laakin joogitaanka madaxweyne Assad waxa ay u muuqatay in ay tahay shaabad, si kastaba ha ahaatee, aan lagu qancin kadib iskahorimaadka dhimashada badan dhaliyay ee sanado badan socday.

     
Loading...