Dowladda Canada ayaa
soo saartay go’aan ay si ku meel gaar ah ugu hakinayso qabashada codsiyada
qaxootiga ee Group five iyo barnaamjka kale ee loo yaqaan Community oo ay dadka
jooga Canada ugu dacwoon jireen eheladooda Africa ama qaaraadaha kale jooga.
Qoraalka lagu sheegay
hakinta ayaa lagu baahiyay bogga dowladda Canada ay ku leedahay waaxda
socdaalka, qaxootiga iyo dhalashada.
Bayaanka lagu hakiyay
howlaha socdaalka qaxootiga iyo dadka is xanbaarka lagu keenayo ayaa sidan u
qornaa:
"Si loo helo hubanti
dheeraad ah oo la xiriirta qaxootiga la keenayo, iyo kafaala qaadayaasha,
waaxda socdaalka, qaxootiga iyo dhalashada Canada (IRCC) waxay si ku meel gaar
ah u joojisay qabashada codsiyada cusub ee kooxaha shanta ah (Group five) iyo
kafaala qaadayaasha barnaamijka bulshada ee hoos imaanaya barnaamijka PSR laga
bilaabo Noofambar 29, 2024”.
Dowladda ayaa sheegtay
in hakintaan ay socon doonto illaa laga gaarayo 31 Diseembar 2025, waana muddo
sanad ah iyadoona ku tilmaamtay in ay ka caawin doonto culays ka haystay kobac
ku yimid warqadaha arjiyada ama codsiyada qaxootiga iyo kooxaha shanta qof ah
ee dadka u dacwoonaya.
Dhanka kale dowladda
Canada waxa ay tilmaamtay in waaxda socdaalka muddadaas sanadka ah ay helayaan
fursad ay uga shaqeeyaan codsiyadi hore.
Bayaanka ka soo baxay
dowladda Canada gaar ahaan waaxda socdaalka, qaxootiga iyo dhalashada Canada
(IRCC) ayaa sidoo kale lagu sheegay in la sii wadi doono ka baaraan dagista
codsiyadii horay loo qabtay iyo in dib u dajin loo sameeyo qaxootiyadii dhawaanahaan
la geeyay dalkaas.
Sidoo kale waxa ay
intaa ku dareen in la cusboonaysiiyay barnaamijyo badano o kamid ah kuwa ay
dadka sida gaarka ugu dacwoonayaan eheladooda lagu dabaqay qorshaha heerarka
socdaalka ee 2025, dowladda Canada ay hiigsanayso inay soo dhawayso 23,000 oo
qaxooti ah.
Warka ka soo baxay
dowladda Canada ee dhimista soo galootiga ayaa ku soo aadaya xilli
dhawaanahaanba ay dowladdaas waday hoos u dhigista soogalootiga.
Mohamed Doli oo ah
qareen muddo ku sugan dalka Canada ayaan wax ka waydiinay arrinka lagu dhimayo
qaxootiga iyo isxambaarka ee kooxaha shanta ah (Group five).
"Amarka dowladda
ka soo baxay ee lagu joojinayo qaxootiga ayaa muddo soo socday oo horay ayaa
loo dhimay ardayda dalkaan soo galaya, iyo qaxootiyada, tanina waa mid daba
socota balse waa muddo hal sano ah", ayuu yiri qareen Doli.
Dhanka kale qareenka
ayaa tilmaamay in joojintaan aysan saamayn ku yeelanaynin dadkii horay ay ugu
xaraysnaayeen codsiyada "Joojintaan ma qusayso dadka codsiyada u
xaraysan," ayuu raaciyay.
Qareen Doli ayaa xusay
in dalka Canada ay ku soo dhawdahay doorashooyinkii sidoo kalena ay jirto
ciriiri dhanka guryaha ah oo magaalooyinka ka jira, sidoo kalena dhaqaalaha uu
isbadal ku yimid, taasina ay ka qayb qaadanayso in la hakiyo qaxootiga si
dowladda ay diyaar garow u samayso.
Soomaali badan ayaa ku
jirta xeryaha qaxootiga Kenya, Uganda iyo dalal kale kuwaas oo qaarkood horay u
xaraystay codsiyadooda halka qaar aysan wali gudbin codsiyadooda, xannibaada
cusub ee muddada sanadka ah ayaana saamayn ku yeelan doonta dadka aanan wali
gudbin codsiyadooda kuwaas oo ku jira qaxootiyada.
Canada ayaana sheegtay
in ka badan 40 sano oo ay wadday barnaamijka kafiilka iyo qaadashada qaxootiga,
uu tusaale u ahaa wadamo badano o caalamka ah, sidoo kalena rajo iyo fursad u
ahaa boqolaal kun oo qaxooti ah.
BBC