Alle Ha U Naxariisto
Inaalilaah Wa Inaalilaahi Raajacuun.
1-Xabaal Lama Huraayo,Geeridu Xaq Weeyaan,
Xalaybu Inaga Tegay,Xejiyoow Hogaanshahii,
2-Xayndaabkan Qarankeena,Xidida U Taagayoo.
Xaqii Helay Ilahaayo,Xurmo Iyo Xasuus Mudan.
3-Xeeldheere Garashiyo,Xishood Lagu Yaqaano,
Xaaleeya Sharaftoon,Xatooyada Aqoonino.
4-Weligiiba Lagu Xaman,Xalaal Quute Sharaf Badan,
Xariir Ahba Inaga Baxay,Xukunse Weeye Ebbahay.
5-Xaqsoor Ina Sanweyne,Xaggnaba Ugama Baydhino,
Xigmadahiisii Kama Tegino,Xeer Beegtibuu Haayo.
6-Xijiyaay Xabaaleey,Xaqdhawo Xurmada Garo,
Xisaabtana Alloow Sahal,Kana Waraabe Xawlki.
Ismail Abdillahi Handuleh.
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!