Qabka beenta ah iyo Qabyaaladda Kulmiye.

Tuesday November 12, 2024 - 11:05:59
Hadhwanaag
Madaxweyne Muuse wuxuu aaminsan yahay Qabka


Madaxweyne Muuse wuxuu qadhiidhay 10kiisii sanadood, weligiina wuu ogaa haddii doorasho timaaddo in aan cidina dooranayn, qorshihiisu wuxuu ahaa in uu marba dhowr sanaddood ku darsado, wuxuu aaminsanaa in arrintaasi u suurto gelayso maadaama uu isu yaqaan in uu isagu raggii ka hadhay, dalka xoreeyey waxa duunyo taalana uu isagu leeyahay.

Wuxuu sheegtaa in uu wax xoreeyey, SNM markii lagaga adkaaday xoog iyo xeelba (Military and Diplomacy) iyaga oo 3 kun ah waxay isku soo dhex tuureen shacabkii nabadda ku bariistay. Haddii ay wax xoraynayaan 10,000 oo shacab iyo reer miyi ahi kuma dhinteen iyaga oo dagaalamaya, 400,000 oo shacab ahi kuma nafwaayeen wixii la isdhaafsanayey, Burco iyo Hargeysi ma ay dumeen ee sida Addis iyo Asmara ayay u badbaadi lahaayeen. Runtu ma fantaa?

Madaxweyne Muuse wuxuu aaminsan yahay Qabka oo ah kan halkaa ina dhigay. waa nin badaw ah sida uu Mujaahid Cali Gurey sheegay, waa nin aan la soo dhaqmin dad kala jaad ah sida Dr Cirro iyo Eng Faysal, wuxuu u haystaa in isaga loo baahan yahay ee aanu cid u baahnayn, wuxuu cadaw u haystaa Daarood, Dirta kale iyo reer Shiikh Isxaaq badankooda, isagoo haddana doonaya in uu maamulo.

Hankii iyo Qabkii ayaa iskaga khaldamay. Qab wuu leeyahay oo wuxuu jeclaaday Madaxweynenimo aanu aqoonteeda gaadhin, weliba wuu jilay oo wu


xuu jeclaaday Laankuruusaro caddaan ah iyo kuwo madmadow oo subixii iyo galabtii ah, Kuwo aanay xabbaddu karin iyo diyaarado casaan iyo doogleh.

Intii Madaxweyne Muuse joogey inyar ayaa sida gafanaha uga soo go'day hantidii ummadda, Sacad Muuse waxba kuma qabin imminkana ( xukuumadda Waddani ) waxba kaga dhinmi maayaan wixii ay u dhidideen ee ay maal samaysteen, Muuse ayaynu ridaynaa ee reer ridi mayno.

Musharax Madaxweyne, Dr Cirro ayaynu sida calanka u saaraynaa, Garxajis shilin ka dheefi maayo, tirona ka faa'iidi maayaan, laakiin waxay sugaysaa wax wada lahaanshaha iyo kor u qaadidda hanka dhalinyarada.

Bashiir Tarabbi Oogle,
London, England.
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...