"Garoonka Muqdisho wuxuu maalin kasta martigeliyaa in ka badan 130 duullimaad"
Hargaysa (HWN) Dawlada Soomaaliya ayaa Xadhiga ka Jartay xaruntii ugu horreysay ee lagu hubiyo bedqabka diyaaraha, laguna dayactiro.
Blue Hangar oo laga dhisay gudaha garooonka Aadan Cadde waxaa hirgeliyay shirkadda Aerosom oo ay maalgashadeen ganacsato Soomaaliyeed.
Garoonka Aadan Cabdulle ee Muqdisho wuxuu maalin kasta martigeliyaa in ka badan 130 duullimaad. Mana jirto xarun lagu dayactiro diyaaraddii ay cillad qabsato, taas oo sababtay in ay u safraan Kenya iyo Uganda, si loo hubiyo bedqabkooda. Waxaase maanta baahidaas dabooshay, oo ay hadda ka dib adeeggaas ka heli doonaan Blue Hanger, oo si casri ah loo qalabeeyay.