Haddii kalana, ciqaab looga dhigo in aan la dooran oo cid kale
Buuggiisa "The Responsible Electorate: Rationality in Presidentialy Voting" oo soo baxay 1966-kii waxa uu Valdimer Orlando, sees uga dhigay aragtida uu curinteeda leeyahay ee RETROSPECTIVE VOTING. Taas oo ka duusha faham dabeeci ah oo iinsaanka xorta ah ku abuuran. Valdimer Orlando, waxa uu ku doodayaa in codbixiyayaashu aysan u fekerin si aan caqli-gal ahayn ama aan xog-ogaal u ahayn waxa dhacaya. Orlando, waxa uu aragtidiisan ku soo bandhigayaa in ay codbixiyayaashu qaataan go'aano maangal ah oo ay ku qiimeeyaan siyaasiyiinta.
Waxa uu leeyahay; shacabku waxa ay codkooda u adeegsadaan labba qaab: Mid waxa ay u isticmaalaan in ay ku abaal mariyaan siyaasiga waxqabadka leh, oo ay dib ugu doortaan. Halka ka kalana ay ku ciqaabaan oo aanay cod dambe siin haddii uu dib isu soo sharraxo [Waa ka aan waxba qaban'e] macanaha waa "Mar I dage Alle ha dago, mar labaad I dage se anaa is dagay"
Aragtidda Retrospective Voting, waxa ay sheegaysaa in shacabku aysan doqmo ahayn. Dadka wax dooranayaa waxbay isweydiiyaan! Oo maxay isweydiiyaan? Waxa ay is weydiiyaaan xukuumadda iminka joogtaa maxay ka qabatay: Dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka, amniga, iyo baayihaadka kale ee aasaasiga ah? Haddii ay intaas horumarisay waxa ay mudan tahay in dib loo doorto.
Haddii kalana, ciqaab looga dhigo in aan la dooran oo cid kale la raadiyo oo la doorto. Waa waajib dabeeci ah oo saaran qof walba oo caqli leh.
Haddii saraakiisha sarsare ee dawladda lagu helo musuqmaasuq, waa in ay codbixiyayaashu si degdeg ah u go'aansadaan in ay xilka ka tuuraan hoggaanka sare. Waxa taas tusaale u ah wixii ka dhacay dalka Brazil sannadkii 2018-kii.
Somaliland marka aad joogto goobaha caamka ah waxa aad arkaysaa sida ay shacabku anbadka u yihiin! Waxa ay anbad ka yihiin dantooda. Waa qof kun baahiyood qaba oo aan garanayn meesha musiibaddu kaga habsatay. Gaastari baa haya, oo waxa ku sabbabay cunto dhacday oo ay dawladdiisu cashuur ka qaadatay, farmashii buu tagay oo waxa loo qoray daawo dhacday oo ay dawladdiisu cashuur ka qaadatay. Dee wad uun.... marka dambanna silic buu isaga dhimanayaa.
Indhaha uu wax ku eegayaa waa indho qabiil ama dan aan sii ridnayn oo aan tarantiisa gaadhayn. Qofka Muuse Biixi, cod siinaya ee Somaliland joogay toddobaddii sanno ee la soo dhaafay maxaynu ku tilmaanaa?
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!