Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]
Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.
1-Ciidamaydin Duljoogo,Dagaalba Idin Haysta,
Doorashaana Wadaan,Duugeedaynu Sugna.
2-Demeneey Magaca B’e,Iyadaysu Diyaar Ahon,
Danaheed Aan Garanayn,Iyo Dawlad Hagaaji.
3-Doqonta Gudaheeda,Daayinkeed Isku Haysa,
Dib Intaw Dhigtan,Dalkiina Maad U Kacdaan.
4-Difaacdaan Wadankiina,Idinko Isku Duuban,
Tani Doorasho Maahe,Danayn Weeye Cadawe.
5-Dumintii Qarankeene,Demiya Laydhka Ifaayay,
Damiir Ruux Lehi Maanta,Dariiqa Ma Mareene.
6-Dalkaydaan U Naxaynino,Dulsaar Baad Ku Tahiin,
Aqoonsigad Diidantahine,Faqashtii Iska Doonta.
Ismail Abdillahi Handuleh.
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!