Xukuumadda S/land oo Joojisay Caleema Saarka Cuqaasha

Friday October 18, 2024 - 14:57:42
hadhwanaag
Dhamaan Gudoomiyayaasha gobolada iyo Dagmooyinka dalka Somaliland



Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Madane Maxamed Kaahin Axmed ayaa joojiyay Caleemo saarka Cuqaasha iyo Jiif Caaqilada dalka, tan iyo inta ay ka dhamaanayaan Doorashooyinka Somaliland ee dalka ka qabsoomaysa 13-ka November.

 

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland oo soo saaray wareegto uu ku joojinayo Caleemo saarka Cuqaasha iyo Jiif Caaqilada xiliga Doorashooyinka oo nuqul ka mid ah uu soo gaadhay xafiiska war qabadka Wargeyska Dawan ayaa lagu sheegay la tixgalinayo u diyaar garawga Doorashooyinka, wareegtadaasi ayaa waxay u dhignayd sida tan:-

 

"Ku: Dhamaan Gudoomiyayaasha gobolada iyo Dagmooyinka dalka Somaliland

 

Xarumahooda

 

Ku: Taliyaha Ciidanka Booliska S/land

 

Hargaysa

 

OG:- Agaasimaha Waaxda Dhismaha Nabada Madax Dhaqmeedka iyo Siyaasada Wasaaradda Arrimaha Gudaha

 

Xarunta

 

OG: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha

 

Xarunta

 

OG: Agaasimaha Guud ee Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha

 

Xarunta

 

OG:- Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Arrimaha Amniga

 

Xarunta

 

OG: Madaxwaynaha Somaliland

 

UJEEDDO:- JOOJIN CALEEMO SAAR

 

Iyada oo aan Tixgelinayno u diyaargarowga Hawlaha Doorashooyinka ee ka socda Dalka, waxaa ay Wasaaradda Arrimaha Guduhu joojisay Caleemo Saarka Suldaanada, Chief-Caaqilada & Cuqaasha ilaa inta Doorashooyinku dhamaanayaan.

 

Sidaas darteed, Dhamaan Gudoomiyayaasha Gobollada & Degmooyinka Dalka S/land iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska JSL waxaa aan farayaa in la Joojiyay Caleema-Saarka Suldaanada, Chief-Caaqilada iyo Cuqaasha, cidii ku dhaqmi weydana waa in Talaabo Sharciga waafaqsan laga qaado, laga bilaabo Taariikhda warqaddan.”

 

 

     
Loading...