"Waxa cajab ah, waxa Ciddin iyo Soltelco ololahooda ka dhigay qarannimo, kaayagana ka dhigay Qabyaalad."

Friday October 11, 2024 - 09:10:20
hadhwanaagtv
Wax se cajab ah, waxa Ciddin iyo Soltelco ololahooda...

No description available.

Akhriso Qoraal Cabdirisaaq Hero duqii hore Burco kaga hadlayo Xilka Maayir mooge iyo halgankii ay soo wada galeen

"Waxa xafiiska Madaxweynaha nalooga yeedhay November 11- 2022, annaga oo 5 Mayor ah. Burco, Boorama, Hargeysa, Laascaanood iyo Saylac oo dhammaantood mucaaradka ka soo baxay. Ujeeddadu waxa ay ahayd xisbiyada mucaaradka oo markaa isbahaysi ahaa, doorashii oo dib u dhacaysayna qaaddacayey in bambo hanjebin ah lagu dhufto. Xisbiga ku soo biira si aad kursiga u sii fadhidaan [haddii kale xilalka rag baa u diyaar ah] iyo ku soo biiri mayno cad baa lagu kala kacay. Muuse, Saylici, Kaahin, Samaale, Axmed iyo Saleebaan [AKA aakhiro yeelkeed] ayaa fadhiyey. Saddex weedhood oo hadalkayga ku jiray ayuu madaxweynuhu ku raagay jawaabtooda. Intii uu habeenkaas kaga dhiijiyey Mooge ayuu maantana muujiyey. Waa habeenkii la go’aamiyey in Maayarada Burco, Borama, Laascaanood iyo Saylac xilka laga qaado, ka dibna Mooge lagu xigsiiyo haddii uu isa soo dhiibi waayo. Dhiirranaanta aanu filayn ee jawaabtayada, madaxweynuhu hambalyo qammuunyaysan buu kaga falciyey oo macnaheedu ahaa jihaad baa inoo ballan ah. Ragga kale qof ma hadlin ee waa la isu kaaya dhegaysanayey.

No description available.

Habeenkaa subaxdiisii weeye sawirka aniga iyo Yaasiin aannu Faysal la joogno. Toddobaad gudihii ayuu dagaalku nagu bilaabmay. Bil ka dibna waa tii Laascaanood qaraxday. February 2023 ayaa aniga Saylac iyo Boorame toos loogu sheegay inaannu dhaafno meesha. Mooge mooyee afartii kale waa tii kawaanka la saaray. Kulankaas madaxtooyada ka hor iyo ka dib ba waannu ka wadahadalnay dhammaan madaxdii isbahaysiga qorshaha socda, go’aanna waannu ka qaadannay. Sawirka labaad waa 6 bilood ka dib shirkii hanjabaadda. Mooge dagaalkiisu wuu naga xumaa oo wax badan oo aan bulshada loo soo bandhigi karin baa jiray haddana jira. Waxa se ka go’nayd inaanu isdhiibin wax kasta oo ay sameeyaan. Waxa jiray masuuliyiin badan oo xilal kala duwan ka haya Waddani oo ay iskaga qaldanayd shaqada Maayarada ee dawladda iyo mucaaradnimadu, wax kale inay u dheeraayeena suure. Cirro iyo Faysal se si gaar ah baannu uga wada soconnay tallaabo kasta.

Wax se cajab ah, waxa Ciddin iyo Soltelco ololahooda ka dhigay qarannimo, kaayagana ka dhigay Qabyaalad. Waxa marka mucaarad la taageero qarandumis ka dhigay, marka Kulmiye la taageerana halyey qaran u noqonayo qofku.

Waase ilaahay mahaddii mar haddii la isa soo gaadhay. Mooshinka ay doonayaanna maanta mar uu fiican yahay ma jirtee haat burkaanak. Hodhodho.

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...