DEG DEG Siyaasi Khaliif oo ku biiray waddani kana tagay Kulmiye

Wednesday October 02, 2024 - 09:26:05
Hadhwanaag
Waxaan guud ahaan bulshada Somaliland iyo Gaar ahaanna..
May be an image of 1 person

Siyaasi Khaliif Maxamed Warsame (Xiinwaal), oo muddo dheer ka tirsanaa xisbiga Kulmiye ayaa maanta shaaciyay in uu iska casilay xisbigaasi kuna biiray xisbiga WADDANI


"Maanta oo ay Taariikhdu tahay Arbaca, 2da October 2024, waxa aan halakan ku caddaynayaa in aan iska casilay xubinnimadii iyo Golihii Dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo aan muddo dheer ka tirsanaa.

Taas beddelkeeda, waxa aan go’aansaday in aan tamartayda iyo waayo’aragnimadayda ku biiriyo Xooggaga Isbeddeldoonka ee lagu samatabixinayo Somaliland.

Waxaan guud ahaan bulshada Somaliland iyo Gaar ahaanna taageerayaashayda u caddaynayaa in aan ku biiray maanta laga bilaabo Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI.

Ballanteennu waa badbaadinta Somalilandtii tacabka badani innaga galay.
Khaliif Maxamed Warsame.
     
Loading...