Maareeyaha Mashruuca Wajaale oo Kormeeray Hawl-gal ay ka Fuliyeen Dhul-beereedka Bariga Hargeysa

Saturday September 07, 2024 - 11:59:46
hadhwanaagtv
Maareeye Maxamed Cabdillaahi, ayaa kormeerkiisu salka

­

Maareeyaha Mashruuca Wajaale ee Wasaaradda Beeraha Maxamed Sh. Cabdillaahi, ayaa kormeer shaqo ku soo maray dhul-beereedka bariga Magaalada Hargeysa.


 

Maareeyaha Mashruuca Wajaale, ayaa soo kormeeray dhul-beereedka deegaannada ay ka midka yihiin Maygaagaha, Ina Qarbooshe iyo dhul-beereed kale.


 

Maareeye Maxamed Cabdillaahi, ayaa kormeerkiisu salka ku hayey inuu soo qiimeeyo shaqada ay qabteen Cagafyada Mashruuca Banka Wajaale oo bilihii u dambeeyay illaa 500 beerood oo dadka deegaannadaasi leeyihiin qodayey, si loo taageero Beeralayda.


 

Maareeyaha oo ay soo dhaweeyeen dadka deegaannada hawsha qodaalku ka socoto, ayaa war-bixino ka dhegaystay Hawl-wadeennada cagafyada Mashruuca, kuwaasi oo uga warramay sida hawshu u socoto iyo dedaalkooda kor u qaadista wax soo-saarka Beeraha.


 

Sidoo kale, Maareeyaha Mashruuca Banka Wajaale ee Wasaaradda Beeraha Somaliland, ayaa mid mid u soo kormeeray Beeraha deegaanada bariga Hargeysa, kuwaasi oo xilligan maraya heer laga celinayo Xamaraha.

     
Loading...