"Lixle, koosaar, koodbuur iyo ragii karaamada lahaa maanta haday nool yihiina idinka ayay idinku jihaadi lahaayeen."

Thursday August 15, 2024 - 20:40:20
hadhwanaagtv
Maayirkii Hore ee Burco Cabdirisaaq Herro ayaa sidani yidhi:-
May be an image of 1 person, smiling and suit

"Maalmahan waxaad aragtaa iyada oo lagusoo cel celinayo SNM ayaa la diidanyahay, SNM tii xaqa ahayd waa tii dhimatay wixii ay u dhimatayna waxan imika taagan maaha

Lixle, koosaar, koodbuur iyo ragii karaamada lahaa waxay u dhinteen in digtaytarkii talada la goostay sidiina oo kalena ummadda kala qaybiyay badhna laayay, magaalooyinkii dalkana dumiyay sidii Laascaanood hoobiyaha loogu garaacayay oo kale in laga qaybto ayay u dagaalamee

Lixle, koosaar, koodbuur iyo ragii karaamada lahaa maanta haday nool yihiina idinka ayay idinku jihaadi lahaayeen.”
     
Loading...