AQRISO:Akhlaaqda Wanaagsan iyo fadliga ay leedahay:

Thursday August 15, 2024 - 09:53:31
hadhwanaagtv
Waxaa Qormaddaan innaan idin la wadaago sababtay..


Alleh ayaa Mahad Mudan, Naxariis iyo Nabad Gelyo Rasuulkeennii korkiisa ha ahaato
Waxaan walaalahayga muslimiinta ah usoo gudbinayaa hadal kooban oo kusaabsan akhlaaqda wanaagsan iyo fadligeeda.

Waxaa Qormaddaan innaan idin la wadaago sababtay, markaan arkay Bulshadii Soomaaliyeed ee Muslimiinta ahay oo geed dheer iska saaray Akhlaaqdii sidda dumarkeenna oo ay ku Soo baddanayaan gabadho Akhlaaqdarran, oo kheymihii Dumarnimmo iyo kheymihii lagu yaqaaney Dumarkenii islamka meel uga dhacay, oo aad ka yaxyaxeyso, dhaqammadooda, alle ha soo Soo hanuunshee, waxaan rabaa inaan gabdhahaas Walalahayga ah iyo dadka kalle ee akhlaaq la'aanta, u saaxiibka ah xasuusiyo haddaladii kheymaha lahaa ee Rasuulkeena (NNKH) ka yirri akhlaaqda Suubban iyo Ku dhaqankeedda,iyo heerka ay ka taagantahay Diinteena islaamka hadaba in taynan ka hadlin wanaaaga ay leedahay iyo qiimaheeeda, waa maxay akhlaaaq wanaagsan?

1- Ugu horayntii akhlaaq wanaagsan waa fullin iyo ku dhaqanka islamka, waayo ilaahay ayaa ina faray Akhlaaqda suuban, sida ilaahay yidhi :
(الجاھلين خذ العفو وأمر بالعرف وأعرض عن )
(199 الأعراف،
Aayada ilaahay wuxu ku ururiyay akhlaaqda wanaag san oo uu ina farayna in laynaga helo.
2- Akhlaaq Wanaagsan waa Adeecitaan la adeecayo rasuulka, Rasuulkeena Amaanta allaah iyo nabad gelyadiisu hakor ahaatee- ayaa ina farar Akhlaaqda wanaag san, sida ku sugan inu yidhi :. وخالق الناس بخلق حسن) )(والترمذي أخرجه أحمد .
Wuxuuna ina faraya rasuulku in aynu dadka akhlaaq wanaagsan kula dhaqano.
3- Akhlaaqda wanaagsan waa ku dayasho lagu daydo Rasuulkeena suuban, waxa rasuulku uu ahaa dadka ka ugu akhlaaq wanaagsna, cid la hiigsadona waxaa ugu sharaf badan rasuulkeena- korkiisa amaanta alle iyo nabad gelyo ha ahaatee.
4- Akhlaaq wanaagsan waxay keentaa in qofka kor alle u Qaado Darajadiisa, sida Rasuulku yidhi: )" إن العبد ليبلغ بحسن خلقه درجة الصائم القائم"
(داود أخرجه أبو
"Waxa xadiiska macnihiisu yahay; Adoonku Akhlaaqda wanaagsan waxa uu ku gaadhaa darajada qafka Sooman ee Tukanaaya habeenkii".
5- Akhlaaqda wanagsan waxaa lagu galaa Janada, waxaa rasuulkeenu yidhi :
)الخلق وأعظم ما يدخل الناس الجنة تقوى ﷲ، وحسن) (وغيره أخرجه الترمذي .
'Waxa macnaha xadiisku yahay, waxa ugu wayn ee janada lagu gala cabsida allaah iyo Akhlaaq wanaagasan".
5- Akhlaaqda wanaagsani waxay keentaa in loo dhawaado fadhiga rasuulka maalinta yawmal qiyaamaha. Sida rasuulku sheegay:
( إن من أقربكم مني مجلسا يوم القيامة أحاسنكم أخلاقا)
"Waxaa idinku dhawaan shiiyo badan agtayda malinta dambe ku wiina ugu akhlaaq wanaag san".
6- Akhlaaqda wanaagsani waxay cuslaysaa Miisaanka qofka maalinta yawmal qiyaamaha ,sida rasuulku sheegay:
(الخلق ما من شيئ أثقل في الميزان يوم القيامة من حسن ) (أحمد أخرجه .
7- Akhlaaqda wanaagsani waxay kordhisaa Cimriga, waxayna Camirtaa Daaraha, sida ku
sugan xadiiskan : ( حسن الخلق وحسن الجوار يعمران الديار، الأعمار ويزيدان في ( رواه أحمد
8- Akhlaaqda wanaagsan quluubta dadka ayaa lagu kasbadaa.
9- Akhlaaqda wanaagsan qofka ceebihiisa ayay Asturtaa.
10- akhlaaqda wanaag san dhibta dadka ayaa lagaga badbaadaa.
Fadaa'isha akhlaaq wanaagsan wax la koobi karo ma ah, Haddaba Diinteena islamka ayaa ah mid Aad ku tarbiyeen karto, Naftaada, oo ku bareysa, Wax walboo aad sharaf iyo kheymo shaqsinimo ku gaarri karto.
Maxaa Nala gudboon: waxaa Nala gudboon inaan ilaalino sharafteena sharafteenana waxay ilaalsameysaa markaan Diinteena si wanagsan ugu dhaqanno oo aan Akhlaaqdeena wanaajinno, Aakhirro iyo Addun intaba waa liibaani doonaa Idam alle.
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...