Waxaan si miisaan leh uga warami doonaa dhacdooyinkaas
"Dad badan oo asxaab ah baa ila isoo weydiinayey arimihii qeyb ka mid ah hay'adihii amaanka loo xil saarey aan kala kulmey, midh kaliyaata ayaan
Ayaan bulshada ula wadaagey oo ah Bal qofka shacabka ah ee miskiinka ah ee edab daradaas la kulmi lahaa ee aan xogna ka heyn lahayn waxa uu dareemi lahaa !
Hal ujeedona waan aaminsanahy in kuwii waxaas wadey ay uga dan lahaayeen oo ah Cabsi gasha
Mashquuliya , dareen shaki ku abuura waxaas iyo wax la mid ah oo daciif ah .
Waxase aaney garaneyn waxa ka dhalan kara iyo sida aaney u dhaadeyn .waayo waa dad aan khibrad amni lahayn.
Waxaan si miisaan leh uga warami doonaa dhacdooyinkaas koobnaa ee ay ka muuqatey khibrad darada aqooneed .oo muujineysa heerka masuuliyadeed, waayo aragnimeed iyo amniyeed ee ay leeyihiin kuwii amniga qaranka in ay qeyb laxaad leh ka qaataan la rabay .
Waxaan dhamaantood hayaa Magacyada, muuqaalada iyo derejooyinkooda ciidan ee ay leeyihiin kooxdaas dhalinyarada ah
Ee loo diyaarshey in koogu shaqeeyo habka budhcadnimada ah ee ka baxsan hanaanka anshaxa Ciidanimo oo aan xog badan ka heley sida ay u adeegaan .
Waxaan dareemi karayaa dhibta ay u geysan karaan dadka maatida ah ee shacabka Een awood ay xogtooda ku gudbiyaana lahayn.
Waxaan dhacdadan la wadaagey oo xogtii oo dhameystirana haya Shirgudoonka golaha Wakiilada .
Waxaan u mahad celinayaa isna Taliyaha Ciidanka Booliska oo aanu wada xidhiidhney
Oo waayeelnimo ah oo sharci ka muuqdo iila hadley iguna qaabiley , kadib markii Shirgudoonku xogtan la wadaageen .
In maanta halkaas aynu mareynaa waxay ku tuseysaa in dawladnimdii inaga weecatey oo ay xumaatey oo dalku u baahanyhy in laga badbaadsho rajiimkan sharafta ka qaadey dawladnimadii .”