"Somaliland ahaan Waxaynu Haysanaa Waxa aanay Umahada Islaamku Haysan.." Wasiirka Diinta

Saturday August 03, 2024 - 10:01:36
hadhwanaag
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sh. Maxamed Xaaji



Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Sh. Maxamed Xaaji Aadan Cilmi ayaa bulshada reer Somaliland ugu baaqay in Kitaabkeena Quraanka Kariimka ahi uu yahay hagaha kaliya ee ummaddu ku nabad gelayso inta Ifka la joogo iyo Aakhirada danbaysaba labada ba.


 

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Sh. Maxamed Xaaji Aadan Cilmi waxa uu sidaasi ka sheegay Munaasibad lagu soo gabo-gabaynayey Tafsiirka Qur’aanka Kariimka ah ee Masjidka AL AS-HAR ee Caasimada Hargaysa oo wasiirka Diintu ku soo xidhay isla masaajidkaasi.


 

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Sh. Maxamed Xaaji Aadan Cilmi oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi "Kitaabkeenu waa hagaha kali ah ee aynu ku nabad galayno, Ifkan aynu joogno iyo Aakhirada danbaysaba”

 

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in Bulshada reer Somaliland ay waajib ku tahay inay si weyn ugu mahad celiyaan ILLAAHAY Subxaanahuu Wa Tacaalaa, isaga oo tilmaamay in Somaliland ay haysato wax aanay umadaha kale ee Islaamku haysan, waxaanu yidhi "Mahad oo dhan ILLAAHAY baa iska leh horayso iyo dambaysaba. Inagu ka Somaliland ahaan waa in aynu ILLAAHAY si weyn ugu mahad celinaa, waajib bay inagu tahay, waxaan sidaa u leeyahay waxaynu haysanaa wax aan umahada Islaamku haysan, waxaynu haysanaa Kitaabkii ILAAHAY ummada u soo dejiyay iyo sunihii oo caalamka Islaamka barashadiisa iyo ku dhaqankiisa ay dhib badan iyo culays ku qabaan, inaguna aynu u haysano xoriyad taam ah.”

 

Wasiirku isaga oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaasi ku daray "Qof cabsanayaa idinkuma jiro cabsida ILLAAHAY mooyaan, aadame ka cabsan maysaan, oo cimilada ka cabsan maysaan oo caqiido kale oo duwan kama cabsanaysaan, waa ceel biyo macaan oo laga dhaansanayo oo diyaar u ah ciddii ka cabaysa.”

     
Loading...