Dhoola cadayntii milyan dollarka ka qaalisanayd

Friday August 02, 2024 - 10:18:55
hadhwanaag
Smile more expensive than million dollar
May be an image of 3 people

Wuxuu ahaa 75 jir xaasle, caruur dhalin, lugaha aan ka socon, dhaqaal badan haysan, habeen habeenada ka mid ayaa wax ku dhagay kaadida, waxa loo geeyay mid ka mida hospitalada dalka, waxaanu u sheegay in qalniin dagdega u baahanyahay si kaadid looga sii daayo kaadi haysa dusheedan tuunbo laga galyo si ku meel gaadha, shaybaadhadu iyo sawirada marka laqaado ka dibna qalniin labaad lagu samayn doono iyadoo ku xidhan kolba waxa ka soo bax shaybaadhadiisa.

Waa loo sameeyay qalniinkii fududaa ee xaalada uu ku jiro lagaga saarayay, maalintii danbe shaybaadhadiisu markay u soo baxeen, dhakhtarkii iyo teamkiisiiba wax uu u sheegay inuu san waxba kaga qaban karayn hospitalkiisa oo uu hayo kansarka qanjidhka kaadi mareenka (prostatic ca) isaga oo markaa hadalkiisa u cuskanaya PSA (prostate specific antigen) oo aad u sarayay 80 ng/ml, ultrasound uu sheegayay in size 112cc ka wayn yahay, hadalkiina wax uu ugu soo gaba gabeeyayay halkan waxba kagama qaban karo loona soo gudbiyay hospital kale oo uu joogo dhakhtar kale oo ajanabi ahaa una sheegay inuu qabo prostatic c.a waxna u qaban karayn dawooyinka caabuqa ayuu siiyay si uu uga daweeyo caabuqa kaadida oo markaa shaybaadhkiisa kaadida laga helay, mudo 3 bilood ah ayuu werwerkii iyo xanuunkii la noolaa ....intii xiligaa lagu jirayna wax geeryotay gabadhiisii wehelka kaliya u ahayd.

Maalin maalmaha ka mid ayaa shaqaale caafimadka ka mida oo ay qaraabo yihiin baa ii yimid isaga oo bukaankii iyo qaraabadiisii wada isagoo ii sheegay xaaladiisa caafimaad iyo wax uu ku suganyahay ina waydiiyay inaan talo iyo daawayn siiyo (consultation) waxaanu yidhi wax walba oo aad go'aamiso ayaan ku qancaynaa, hadaladiisii saamaynta igu yeeshay wax ka mid ahaa " waxaan aaminsanahay dhakhtarkay wadankayga wax iigu soo bartay aanan hubo aqoontiisa iyo inuu karti u leeyahay wax uu soo bartay"
waxaan u diray sawir la yidha "Pelvic MRI", waxaanan ka qaaday shaybaadh kale oo la yidhaa " Prostatic biopsy" kaas oo dhakhtarka qalniinku tahay inuu ka qaado cadyar qanjidhka kaadi mareenka ah isla markaan ahayd markii ugu horaysay lagu sameeyo cusbitalka wayn, jawaabtii shaybaadhku "biopsy" , waxaa cadaatay inaanu cancer lagu sheegayaa hayn, qalniinkiina waan u sameeyay, 6 cisho waadhka ayuu yaalay , 10 cisho ka bacdina sidii caadiga ahayd ayay kaadidu uga imanaysay.

sawirkan waxaan qaaday 3 usbuuc ka dib qalniinkiisii.
kawaran hadaad bukaankan ahaan lahayd ama aabahaa ahaan lahaa ama walaalkaa mudo saddex bilood ku dhawaadna aaminsan lahayd inuu cancer ku hayo?

farxad intee leeg ayaad dareemi lahayd markaa wax walba khayr kuugu dhamaadaan.
dhoola cadayntaa bukaanka iyo xaafadiisu waa wax ugu qaalisan ee dhakhtarka arko uuna ogyahay alle dabadii sababta farxadaa ka danbaysa inuu isaga yahay, qofkasta oo dhakhtarina wuu garanayaa macnaheeda iyo siday qaali u tahay!!!!!!

dulucda iyo inta kale ee sheekada waxaad ka akhrisan doontaa buuga .............................W/Q; Dr Nuux Ismaaciil
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...