Awdal maanta way dareen hadashay, ee danaheeda ha dhugato.

Saturday July 20, 2024 - 17:02:51
hadhwanaag
Taariikhihi lagu yaqaanay Muuse Biixi ee eex da'ah
May be an image of 2 people, beard, people smiling and text


Waxaan filayaa in la wada dareensanyahay cashirada maanta laga baranayo dareen hadalka ay muujiyeen bulshada gobolka Awdal iyo in ay kor u dhaheen waxay qalbiyadooda ku qarsanayeen qaab hoosena isugu sheegi jireen in ay tabanayaan xuquudooda, hase yeeshee cid la dareenta uun ay sugayeen, waxaa maanta usoo baxay halyey kicinaya qalbiyadaas quusta qabay ee aan qofna ka waabaneyn, balse uu ku joogo qadar Alle, wallow aan maqleenay qaar ka mid ah qaaqlayaasha macangaga oo ku qeylinayey qudha halaga jaro oo dadkaas hala quus gooyo.

Reer Awdal maanta dareenkooda wuu ka weynyahay inta la arko loona jeedo, balse dadku maalin uun bey kacaane, kacaanka macangaga ah iyo dadkiisa aan is qaban wee ka tashadeen reer Awdal aynu sugno casharada ku xiga.

Waxaan usoo jeedinayaa dhammaan bulshada reer Awdal in DFS iyo Soomaali oo dhami la garab taagan tahay dareenkooda ayna ka waaban waxa loogu caga jugleenayo oo la leeyahay nabadiina ilaashada, waa tii horey loo yiri nabad la tuugo nabad ma ahan.

Taariikhihi lagu yaqaanay Muuse Biixi ee eex da'ah iyo qiyaanada uu ku sameeyay reer Awdal iyo umadda Somaliyeed ee badda uu ku iibsaday diidmadiina waan aragnay, horena wad usheegteen waxuu noqday gumeysi kalkaal,

Sidoo kale waxaa la joogo waqtigii laga tashan lahaa lana cadeyn lahaa in bulshadaan taariikhdooda oo dib u eegi laheyd oo ay soo jafi lahaayeen dhaxalkii Awoowayaashood ee ahaa xaq u dirir, xornimo u hadal iyo in dhankooda Soomaali looga soo galin cadow soo jireen ah.
Taariikhda iyadaa dib isku celisa.


W/Q: Mohamed Hassan Mohamed
Wasiir ku xigeen ka wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya.
     
Loading...