Beesha Cali Siciid ee HY ma AJUURAANBAA? Akhri oo ha yaabin?

Sunday July 14, 2024 - 15:30:25
Hadhwanaagtv
Haddii aanu nahay beesha Habaryoonis ee ISAAQ


Waxaa dad badan oo dadka taariikhda axadha ee reer soomaaliland iyo qaybo ka mid ah odayaasha beesha Ajuuraan ee koonfurta soomaaliya, in badan laga soo weriyaa inuu jiro xidhiidh wada dhalasho oo u dhexeeya beesha CALI SICIID ee Habaryoonis iyo beesha AXMED XAAJI oo ku dhaqan koonfurta fog ee soomaaliya siiba gobolada Shabeellaha hoose, Bay iyo Jubbooyinka.


 

Run ahaantii warku isagoo iska badan waxaynu joognaa waqti ay hore u martey baadhista taariikhuhu oo ay sahleyso matxafyo kayd badan oo taariikh ahi yaallo, qoraallo la baadho (Research) iyo , sinji sooc la baadho oo loo adeegsan karo aalado iyo farsamooyin kale oo cid waliba waxay doonto iney baadho ay heleyso wadiifad ay u raadsan karto.

 

Haddii aanu nahay beesha Habaryoonis ee ISAAQ waxaanu in badan maqli jirney Cali Siciid waxay kasoo jeedaan BEESHA AJUURAAN oo xataa si KAFTAN ah la isugu dhiibi jirey kasoo markuu doono run isu beddeli kara illayn kara waayo kaftanku waa run laga xishooday oo buste la saarey.

 

Dhawr sano ka hor wefti yimi magaalada Xaaji Saalax oo mashaariic ka hirgeliyey oo lagusoo dhoweeyey xaaji saalax ayaa arrinkaas BINIIXIYEY. Waftiga waxaa watey nin reer koonfureed ah oo la yidhaahdo Cabdiraxmaan Macallin Cali.

 

Weftigu waxay qiranayaan iney kasoo jeedaan Beel Axmed Xaaji la yidhaahdo oo koonfur deggan.Click this below link (Guji links ka hoose ama copy and paste).

 

https://m.facebook.com/saabtv/videos/cabdiraxmaan-macalin-cali-oo-lagu-soo-dhaweeyey-xaaji-saalax/4629898857083328/?locale=es_LA.

 

Runtii ceeb maaha in nin waliba ninkiisa doonto laakiin sheekada waxaa soo labo kaciyey waxaa ka socda dhawr waddan oo yurub ah waqtigan doodo iyo is raadsasho dad aqoon yahanno ahi wadaan oo doonayaan in shirar waaweyn la qabto oo xataa Somaliland la isugu yimaaddo si kulammo waaweyn loogu qabto oo arrinka loo shaaciyo

 

 

Kasoo dhiibo fikraddaada waad mahadsantahay..


 

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...