Maxaabiista Somaliland Kaga Xidhan Magaalada Laascaanood Oo Lagaga Hadlay Shir Ka Dhacay Dalka Jabuuti

Wednesday July 10, 2024 - 07:26:22
Maxaabiista Somaliland Kaga Xidhan Magaalada Laascaanood Oo Lagaga Hadlay Shir Ka Dhacay Dalka Jabuuti

Madaxda IGAD iyo Madaxda Khaatumo
Wafdiga SSC-Khaatumo ee jooga Jabuuti waxa kale oo ay la kulmeen xoghaye ku xigeenka urur goboleedka IGAD Maxamed Cabdi Waare. Waxaana labada dhinac ka wadahadleen arinta maxaabiista.

Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in xubnaha Khaatumo ay kala hadleen arimo ay ka mid yihiin khilaafka SSC-Khaatumo iyo Somaliland.

‘’Waxa kale oo aan ka wadahadalnay khilaafka Somaliland iyo Khaatumo, gaar ahaan maxaabiista dagaalka, daryeelkooda iyo badqabkooda, iyo kaalinta IGAD ka ciyaari karto sii deyntooda, isla wadahadalkaas waxaan la yeelan doonaa Somaliland marka ay suurtagal noqoto,’’ ayuu yiri xoghaye kuxigeenka guddiga fulinta ee IGAD.

Dhanka SSC-Khaatumo oo BBC-du wax ka weydiisay kulanka IGAD ay la yeesheen gaar ahaan wadahadallada ku saabsan maxaabiista dagaalka, waxay sheegeen ‘’waxyaalaha la isla soo qaaday waxaa ka mid ahaa arimaha maxaabiista, arrimaha maxaabiistuna waa kiis caalami ah, annagana si gaar ah saameyn noogu leh, labo dhinac marka loo kala qaado, waxaa ku jira dad dambiilayaal ah oo waaweyn oo iyagoo gacanta dambiga iyo dhiigga kula jira la qabtay, dadkaas maxkamad uun bay sugayaan’’ ayuu yiri wasiir Najiib.

Wadahadal labada dhinac dhexmara ayay shardi uga dhigeen Khaatumo in Somaliland ogolaato in loo wadaxaajoodo labo maamul oo daris ah, nabadna ay qaataan.


     
Loading...