War Deg Deg Ah:- Booliska Somaliland Oo Shaaciyey Inay Gacanta Ku Dhigeen Eedaysane Loo Haysto Fal Halis Ah

Saturday June 29, 2024 - 22:55:01
War Deg Deg Ah:- Booliska Somaliland Oo Shaaciyey Inay Gacanta Ku Dhigeen Eedaysane Loo Haysto Fal Halis Ah

Hargeysa(HWN):-Ciidanka Nabadgelyo Waddooyinka Somaliland ayaa qoraal ay caawa soo saareen ku sheegay inay gacanta ku soo dhigeen Eedaysane Mahad Xariir Daahir oo baraha bulshada lagu faafiyay isagoo gaadhi Booyada u wada si ka baxsan anshaxa gaadiidka iyo masuuliyada wadaasha baabuurta , waxaanu ku waday isteerinka cagaha.

Eedaysanaha ayaa ku gafay xeerka nabadgalyada Waddooyinka qodobadiisa kala ah 57 , 75 , 79 iyo 74 , waxaanu sidoo kale ku gafay xeerka ciqaabta guud qodobkiisa 167. Eedaysanayaha waxa degdeg loo horgayn doonaa Hay'addaha garsoorka JSL.

Taliska Ciidanka Booliska JSL , waxa uu digniin u dirayaa darawallada ku shaqaysta booyadaha iyo guud ahaan wadayaasha baabuurta inay ka waantoobaan arrimaha noocan oo kale ah , haddii ay joojin wayaan waxa laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan" ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay Booliska Somaliland.

May be an image of 1 person, slow loris and text

     
Loading...