Wasiiro Waji Gabax Kala Soo Noqday Balli-gubadle Iyo Shuruudo Adag Oo Reer Hawd U Diyaariyeen Kulmiye

Saturday June 22, 2024 - 21:09:59
Wasiiro Waji Gabax Kala Soo Noqday Balli-gubadle Iyo Shuruudo Adag Oo Reer Hawd U Diyaariyeen Kulmiye

Hargeysa(HWN:-Wasiiro ka tirsan xukuumada oo hordhac u ahaa wefti Kulmiye ka socda ayaa wajib gabax kala soo kulmay magaalada Balli-gubadle ee xarunta gobolka Hawd oo ay maanta tageen.

Wasiir Ciise Kayd ayaa lay xaqiijiyey inuu cadho kaga soo baxay magaalada Balli-gubadle ka dib markii lagu kala kacay shirar ay wasiiradu la yeesheen guddiyo ka socday dadka deegaanka ee gobolka Hawd

Warku waxa xaqiijiyey in reer Hawd ay wasiirada hordhigeen laba qodob oo ay rabaan in Kulmiye fuliyo haddii uu cod ka rabo bulshada gobolka, kuwaas oo kala ahaa.

1.Inay shubaan lacagta ku baxaysa dhamaystirka waddada isku xidhaysa Balli-gubadle iyo Hargeysa.

2.In Muuse Biixi uu baarlamaanka si degdeg ah ugu gudbiyo ansixinta gobolnimada Hawd.

 

Sidoo kale wararku waxay sheegayaan in wefti Kulmiye ahi ay bari socdaal ku tagayaan xarunta gobolka Hawd iyaga oo qorsheeyey inay dhagax dhigaan 15km oo lagu darayo waddada Balli-gubadle taas oo aan la hubin inay caro tuul noqon doonto iyo inay Laami ahaan doonto, haddii aanay noqonba beenihii Kulmiye caanka u ahaa.

Wasiirka technology-yada iyo wasiir ku xigeenka caafimaadka ayaa hada ku sugan magaalada Balligubadle, waxaanay qorshaynayaan inay soo dhaweeyaan weftiga Kulmiye ka socda.


sidoo kale warar soo baxaya ayaa sheegaya inay jiraan shuruudo ay reer Hawd u diyaariyeen xisbiyada mucaaridka ah kuwaas oo codka siin doona haddii ay ka soo baxaan.


     
Loading...