Khabiir soo bandhigay ahmiyadda heshiiska Somaliland iyo Itoobiya u leeyahay Masar

Friday June 21, 2024 - 08:11:19
hadhwanaag
Wuxuu khabiirku warbixintiisan ku soo bandhigay in heshiiskan



Khabiir falaanqeeya amniga baddaha oo lagu magacaabo Hamidi Jama, ayaa soo bandhigay ahmiyadda uu heshiiska Somaliland iyo Itoobiya u leeyahay Masar.

 

Khabiirkan oo qormo ku baahiyey Wargayska Addis Standard oo ka mid ah Warbaahinta dalka Itoobiya, ayaa lagu sheegay in heshiiska dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya uu wax ka beddelayo jawiga juquraafi iyo ka siyaasadeed ee gobolka Geeska Afrika, marka la eego muhiimadda uu saldhigga Ciidamada Badda ee Itoobiya uu u leeyahay amniga marinnada Badda Cas iyo gacanka cadmeed.

 

Khabiirkan, ayaa sheegay in goobta juquraafi ee Somaliland dhacdo ay qayb laxaadle ka qaadanayso ammaanka gacanka cadmeed iyo Badda Cas, waxaa kale oo uu tilmaamay khabiirku in hirgelinta saldhiga ciidamada badda ee Itoobiya ay ku yeelanayaan xeebta Somaliland uu door weyn ku yeelan doono ammaanka marin biyoodka badda cas.

 

Wuxuu khabiirku warbixintiisan ku soo bandhigay in heshiiskan labada dal dhex maray uu faa’iido u leeyahay daneeyeyaasha caalamka oo dhan oo ay ku jirto Masar, maadaama uu kor u qaadayo amniga gobolka iyo inuu kordhinayo ilaalinta marinka Suweys.

 

Sidoo kale, warbixintiisa ayuu ku soo badhigay heshiisyo hore oo Mareykanka iyo Soofiyeedkuba ay ku garwaaqsadeen qiimaha istiraatijiyadeed ee Somaliland iyagoo gegida diyaaradaha ee magaalada Berbera u isticimaali jiray Saldhig Ciidan.

 

Waxaanu khabiirku sheegay in heshiisyadaas taariikhiga ahi ay dhammaantoodba ka marag kacayaan kaalinta ay Somaliland ku leedahay quwadaha waaweyn.

 

Khabiir Hamidi Jama, wuxuu warbixintan ku sheegay in diidmada Soomaaliya ee heshiiskani la xidhiidho aragtida ay ka aaminsan yihiin Somaliland oo ay sheegtaan, hase yeeshee waxa uu khabiirku caddeeyay in Somaliland ay soo bandhigtay in saldhiga ciidan ee ay Itoobiya ka siinayso xeebteeda uu horseedi doono aqoonsi buuxa oo Itoobiya siiso Somaliland.

 

Khabiirku waxa uu soo xigtay waraysi uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi dhawaan siiyay Wargayska Financial Times, kaas oo uu ku faahfaahiyey in imaatinka ciidamada badda ee Itoobiya ay gacan ka gaysan karto xakamaynta khatarta Xuutiyiinta ee gacanka cadmeed, kuwaas oo carqalad geliyey marinkii maraakiibtu adeegsan jireen ee Baabul mandab.

 

Hamidi Jama, ayaa sheegay in Saldhig ay ciidanka Itoobiya ku yeeshaan Somaliland uu horseedi karo xakameynta dhaq dhaqaaqyada xagjirka, iyo hubinta inay si badbaado leh u adeegsadaan marin biyoodkaas maraakiibta ganacsi ee caalamka.

     
Loading...